Muqdisho(ANN) Wasiirkii arrimaha gudaha iyo aminiga dawladda taagta daran ee  Soomaaliya Cabdi Shakuur Sheekh Xasan ayaa ku geeriyooday  qarax maanta lala beegsaday, isagoo ku sugan gurigiisa, wuxuuna

geeriyooday cusbitaalka  magaalada Muqdisho ee Banaadir oo dhaawac ahaan loo geeyay. Kadib markii gabadh gurigiisa ku noolayd la beegsatay qarax miidaamo ah.


Dhinaca kale  Mudaharaadyo rabshado wata ayaa hadheeyay magaalada Muqdisho maalintii labaad, Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay banaanbaxyada  rabshadaha  wata, kuwaas  oo lagu diidan yahay in uu is casilo Raiisul Wasaaraha Dowladda taagta daran ee KMG ah oo marka horeba magac u yaal ahayd,. Mudaharaadayaasha ayaa dab qabadsiiyay oo taayiro ku gubay wadooyinka mihiimka ah, iyagoo khasaare gaadhsiiyay goobo gaar loo leeyahay.


Wasiir ka tirsan xukuumadda taagta darani ayaa shalay heegay inuu aqbalay Raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Soo jeedinta is casilaada, balse   Ra’iisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Muqdisho kula hadlay dad badan oo ka codsaday inuu xafiiska sii joogo. Kadib markii ay kasoo laabteen shirkii ka socday Kampala, iyagoo kasoo degey madaarka Muqdisho raysal waraaha iyo madaxweyne Shariif.
Markaa ka dib boqolaal qof oo xalay isugu tegay xafiiskiisa Raysal wasaaraha  ayaa waxay sheegeen in ay aad uga niyad jabsan yihiin heshiiskii laga soo saaray kulamadii ka socday magaalada Kampala, waxayna sheegeen inaanay meelna u socon oo ay isaga garab taagan yihiin.
Banaanbax MuqdishoRa’iisal wasaaraha ayaa u sheegay dadweynihii halkaa isugu soo baxay inay guryohooda ku hoydaan oo ay caruurta u tagaan, isla markaana uu rajeynayo in wax walba ay si fiican ku dhammaan doonaan.
Qodobada heshiiskii lagu gaadhay kulamadii ka socday Kampala, waxaa ku jiray qodob dhigaya in ra’iisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu bil gudeheed isaga casilo jagada ra’iisal wasaaraha, taas oo keentay inay magaalada Muqdsiho ka abuurto debedbaxyo rabshada wata oo keenay khasaare dhimasho iyo dhaawacba.

Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *