Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta baaq  qaylo dhaan Abaaareed kasoo saaratay xaalada deegaano baddan oo gobolada dalka ah, kuwaas oo loogu baaqay  beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ah inay dad ka baddan 20,000 (Labaatan kun) oo qoys oo xaaladooda

nololeed  halis  ku jirto, lasoo gaadhaan gurmad deg-deg ah.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo kulan kula  yeeshay saraakiil iyo masuuliyiin ka socda hay’addaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, ayaa ugu baaqay Ha’yadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan inay u gurmadaan deegaanadda dalka ee abaaraha baahsani ka jiraan.
Sidaana waxa uu Madaxweyne  Silaanyo ka sheegay  maanta shir saxaafadeed uu baaq qeylo-dhaan ah kasoo saaray Abaaraha ba’an ee ka jira goboladda Awdal,  Salal,  Saaxil iyo Sanaag ee dhinaca xeebta iyo dhulka loo yaqaan gubanka ah.
Baaqa  Madaxweynaha oo saxaafada look ala diray, ayaa u  qornaa sidan:-
“Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka yaraa guud ahaan intii la heli jiray xiliga guga. wuxuu ahaa teel teel aan sinayn, meelo si wanaagsanbuu uga da’ay meelo wuu ku yaraa meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid jiida xeebaha gobolada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex sano oo isku xiga roob ka di’in.
Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha, hayaddaha samafalka iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in deegaanadaasi ku suganyanyihiin xaalad aad u adag oo ay ka taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari.
Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta, Calixaydh , Ceel la helay, Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa, Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raanida Buulka, Laasdhuure iyo Tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xigga ee gobolka Sanaag.
Dadka ay Abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi in badani gaar ahaan dadka jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan gaajo iyo haraad.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynayaa, Haayadaha Qaramada midoobay, Haya’ddaha samafalka ee caalamiga ah, Haya’ddaha wadaniga ah iyo dhamaan shacabka reer somalilandba inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu saameeyeen.” Ayaa lagu yidhi qoraalka qaylo dhaanta abaarata ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *