Hargeysa(ANN) Shirkadda Caanka ah ee Dahabshiil, ayaa iska fogaysay inay iibsatay, ama ay qayb ka tahay  Isbedelka Maamul ee Shirkadda TELCOM, taas  oo ka mid ka mid ah shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland. kadib markii ay warbaahinta Somaliland qaarkood

 

faafiyeen maalmihii lasoo dhaafay warar la xidhiidha arrintaa.
Warsaxafadeed ka soo baxay shirkadaha Dahabshiil maanta ayaa si rasmi ah u caddeeyay in warka saxaafada qaar ku soo baxay ee ah in shirkada Dahabshiil iibsatay shirkada Telecom aanu run ahayn oo yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog.
War-saxaafadeedka Shirkadda Dahabshiil  kasoo saaratay  warkaa oo ka soo baxay Xarunta Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidan;-

“Waxa beryahan dambe warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ku soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in  Shirkadda Dahabshiil la wareegtay mulkiga iyo maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee TELCOM, shaqaalaheediina  kala dirtay.

“Haddaba, waxa  shirkadaha Dahabshiil Group si rasmi ah u caddaynayaan in uu warkaasi yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog. Shirkadaha Dahabshiil Group waxba kalama socdaan, wax lug ahna kuma laha arrimaha u gaarka ah Shirkadda TELCOM.

“Waxa Shirkaddda Dahabshiil bulshadu ku baratay, kuna tixgelisaa, adeeg hufan, ammaano iyo u-dhego-nuglaanta arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada.

“Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil waxay u taagan tahay daryeelka iyo u-adeegidda bulshada goor kasta iyo goob  walba iyada oo aaminsan in bulshadu horumar ku gaadhi karto dhiirrigelinta fursadaha shaqada iyo kobcinta dhaqaalaha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale xarunta Shirkadda TELECOM, ayaa albaabada loo laabay todobaadkii hore. kadib markii ay dacwad ku fureen shaqaalhii ka shaqaynayay  ee shaqada laga fadhiisiyay, isla markaana Maxakamadda Hargeysa amartay in lasoo xidho xafiisyada xarunteeda ugu weyn ee Hargeysa, waxaana dabada loo geliyay gaadhiga dusha ku sita Laxaamada, kaas oo laxaamaday albaabada xafiisyada. Laakiin laba maalmood ka dib ayaa xafiisyada shirkadda dib loo furay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *