Xeer Ilaalinta Oo Wejigabax Kaga Yimi Dacwada Boqor Buur-madaw Ku Jihaysay Warbaahinta Iyo Looyaradda U Doodaya Oo La Filayo Inay Ka Baxaan Difaaciisa Hargeysa (ANN)Dhegeysiga dacwada loo haysto Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo maanta la filayay in lasoo geba-gebeeyo, ayaa yeelatay weji kale. Kadib markii dacwad oogayaasha ka socday xeer ilaalintu ku guuldaraysteen inay Maxkamadda hor keenaan

markhaatiyo ku filan si loosoo afjaro dacwadaa oo soo jiitantay.
Gobolka Hargeysa, ayaa dhegeysatay maanta dacwada  Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow  dacwadiisu  dib uga  bilaabantay Maxkamadda Isniintii lasoo dhaafay. kadib markii uu mudo afar bilood ah ku xidhnaa xukun la’aan xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Ciidmada amaanka ayaa subaxnimadii hore xidhay wadooyinka maxkamadda, waxaana xili hore la keenay Boqor Cismaan oo si weyn loo ilaalinayo, iyadoo dadweyne tiro badani soo buuxiyeen barxada iyo duleedka maxkamadda gobolka, kuwaas oo inyar oo ka mid ah loo ogolaaday  galaan hoolka dacwada, balse waxa aan loo ogolayn warbaahinta  oo danaynaysay dhegeysiga dacwadaa.
Garsooraha  kiiskaa qaadaya Cismaan Fanax oo ah kii labaad ee gala dacwada Boqor Buur-madaw, ayaa hore ugu sheegay laba fadhi oo kan ka horeeyay inay xeer Ilaalintu horkeento maxkamadda markhaatiyo ku filan si loo geba-gebeeyo kiiskaa. Laakiin markii ay saaka xeer ilaalintu markii sadexaad ku fashilantay inay markhaatiyo keento, ayaa dib loo dhigay qadar saacad ah xiliggii fadhiga maanta bilaabmi lahaa.Xeer Ilaalinta Oo Wejigabax Kaga Yimi Dacwada Boqor Buur-madaw Ku Jihaysay Warbaahinta Iyo Looyaradda U Doodaya Oo La Filayo Inay Ka Baxaan Difaaciisa
Hase yeeshee markii ay xeer Ilaalintu waxba keeni weyday, waxay ku doodeen in maxkamaddu waaran u goyso qaar ka mid ah warbaahinta  iyo af-hayeenka Madaxtooyada oo ay u qabsadeen inay kiiskaa ka noqdaan markhaati, taas oo suurta gal noqonweyday.
Qareenada u doodya Boqor Cismaan, ayaa ka codsaday Garsooraha maxkamadda inuu laalo dacwadaa, maadaama ay xeer ilaalintu ku guuldaraystay inay cadaymo ugu filan denbi hor keenaan maxkamadda markii sadexaad. Sidaa awgeed waxay ku doodeen in maxkamaddu iyadoo cuskanay qodobka 155,  laalsho dacwadaa, ama ay ku go’aan qaadato waxa horyaala. Laakiin waxa is bedeley jawagii uu garsooruhu ku hagayay dacwada oo maanta la filayay inay go’aan ka qaadato. Kadib markii xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aaden soo galay hoolka dacwadu ka socotay, taas oo garsooruhu u arakay culays kaga yimi dhinaca xukuumadda ee dacwada wadata, wuxuuna ku celiyay dacwada halkii ay ka bilaabantay. Kadib markii  Xeer Ilaaliyaha guud oo soo galay ku wargeliyay garsooraha in Maxkamaddu markhaatiyada iman waayay qoraal yeedhis ah u dirto. Haddii ay diidaana talaabo laga qaado.
Garsooraha, ayaa sheegay in dhegeysiga dacwadu wejigii labaad marayo, sidaa awgeed ay doonayaan in lasoo geba-gebeeyo, balse wuxuu qaatay garsooruhu go’aan ah inuu raaco dooda xeer Ilaaliyaha guud, wuxuuna dacwada u jiheeyay weji kale oo ah dhinaca saxaafada, isagoo mudeeyay maalinta Arbacada ee soo socota. Sidaana waxa lagu xidhay fadhigii dacwadaa.
Fadhiga maanta ee dacwadaa ayaa gebi ahaan isu bedelay mid  siyaasadeed, iyadoo ay qaar ka mid ah dadkii la socday dhegeysiga dacwada ku tilmaameen mid aan marnaba looga fadhiyin cadaalad, waxayna warar ku dhow dhow qareenada u doodayay Boqor Cismaan Buur-madaw sheegayaan inay ka baxayaan difaaca dacwadaa oo ay u gudbinayaan maxkamadda qoraal ay ugu sheegayaan inay ka baxeen difaaca kiiskaa, iyagoo ku doodaya in faragelin qaawan lagu hayo kiiskaa, isla markaana ay xeer Ilaalinta iyo laanta baadhista denbiyadu ku guuldaraysteen inay mudadii uu xidhnaa Boqor Cismaan oo ka baddan afar bilood iyo intii dacwadu socotayba maxkamadda hor keenaan markhaatiyo ku filan eedaha loo haysto  iyo cadaymo toona.
Dhinaca kale  Qareenada U doodaya Boqor Cismaan oo haa Garyaqaan Barkhad Iyo Maxamed Faarax, ayaa noqonaya haddii ay iska casilaan qareenimada kiiskaa  kooxdii labaad ee iska casila Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, taas oo dib u dhac ku yimi bishii May, 2012,  Kadib markii Qareenada difaacayay ka baxeen inay difaacaan, kuwaas oo ku sababeeyay ka bixistooda  dacwad oogayaasha xeer Ilaalinta ka socday oo u hogaansami waayay go’aan garsooraha maxkamadda ee xiliggaa qaadayay dacwadu ugu sheegay inay is waafajiyaan eedaha Boqor Cismaan ee dacwadaa iyo qodobada ay u cuskadeen, balse markii ay fadhigii labaad lasoo noqdeen ay ka baxeen qareenadu, iyagoo ku dooday in dacwadaa la siyaasadeeyay.  Iyadoo garsooraha kiiskaa qaadayaa uu noqonayo kii labaad ee ka noqda garsoore.
Boqor Buur-madaw, oo markaa ka dib Maxkamaddu u yeedhay, ayaa diiday bishii May ee lasoo dhaafay  inuu horyimaado, isagoo ku dooday inaanu kusoo laabanayn ee uu xabsiga ku jirayo ilaa inta uu ka arkayo maxkamad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan siyaasada, wuxuuna ka dalbaday in xukunkiisa loogu keeno xabsiga,  balse maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu qanciyay Boqor Buur-madaw inuu kusoo laabto maxkamadda, iyadoo qareeno cusub uu dalbaday. Laakiin  saaka dacwada Boqor Buur-madaw oo markii sadexaad dhegeysigeeda la doonayay in lasoo geba-gebeeyo, ayay mar kale yeelatay weji cusub. Kadib markii ay wax badani iska bedeleen jawagii ay ku socotay labadii fadhi ee ka horeeyay.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo mudo ka baddan  Afar bilood ku jira xabsiga dhexe ee hargeysa,  ayaa  ciidamo Boolis ahi ka qabteen  Badhtamihii March xili uu dalka kusoo laabanayay madaarka Hargeysa, waxaana tan iyo waqtigaa  soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo horaantii May  kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw. Laakiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa  dheggaha ka furaystay dhamaan baaqyada debeda iyo gudahaba kaga imanayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *