Hargeysa (ANN/Jam) Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee waqtigii xilkeedu gebagebada yahay, ayaa ku hawlan qorshe ay mudooyinkii u danbeeyay ka waday

 

kastamada dalka iyo saraakiisha ka hawlgasha, kuwaas  oo ay culays ku saartay sidii ay dakhliga ka soo xerooda cashuuraha qaranka ugu bixin lahaayeen ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UDUB kula jiro axsaabta mucaaradka ah.

 

Xubno ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala kastamada dalka oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay inxukuumaddu ku wargelisay qaar ka mid ah kastamada lagu qabto cashuuraha dalka ay dakhliga u soo xerooda si toosa ugu wareejiyaan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, si loogu kharash-gareeyo ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay qabsoonto 26ka bishan June.

Xubnahaasi waxay tibaaxeen in masuuliyiinta kastamada ee diida fulinta amarkaas loogu hanjabay in lagu shaabbadayn doono inay la safan yihiin xisbiyada mucaaradka ah ee loollanka kula jira xisbiga UDUB, sidaana shaqadooda ku waayi doonaan, waxaanay intaa ku dareen inay jiraan kastamo ku kala yaal gobollo kala duwan ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku amartay inay lacagaha cashuuraha ah ee u soo xerooda ku wareejiyaan masuuliyiinta xukuumadda uga wakiilka ah gobollada.

Waxa kaloo shaqaalahaasi sheegeen in hawlwadeennada kastamada ee ka horyimaad arrintaasna loo jeediyey hanjabaad iyo digniino culus oo la xidhiidha in shaqada laga caydhin doono, halka xubnihii ugu horreeyey ee diiday tallaabadaasna xilalkoodii ku waayeen, kadib markii lagu eedeeyey inay xidhiidh sokeeye la wadaagaan axsaabta mucaaradka ah ee ololaha adag kula jiray xisbul-xaakimka UDUB, laguna amray inay soo gulaan xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo kastamada dalka maamusha.

Goobaha dakhli-ururinta ee uu saamaynta ku yeeshay amarka xukuumaddu soo rogtay waxa ka mid ah kastamka degmada Caynabo ee Gobolka Saraar, waxana shaqadii laga fadhiisiyey maamulihii guud iyo khasnajigii kastamkaas Mr. Cabdiraxmaan Aadan Cawaale iyo Mr. Cabdikariim Cabdillaahi (Gallay), kuwaasoo lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan xilalkii ay hayeen u tiriyaan, soona galaan caasimadda Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay diideen in dakhliga kastamka ku soo xerooday loogu ololeeyo xisbiga xukuumadda talada haysa ee UDUB.

Maamulaha iyo khasniga kastamka degmada Caynabo, ayaa la sheegay inay gaashaanka ku dhufteen amar xukuumaddu ku siisay in lacagaha cashuurta ee khasnaddaa ku soo xerooday ay ku wareejiyaan masuuliyiinta xisbiga UDUB ee ku jira ololaha doorashada, kuwaasoo sida wararku tibaaxeen ku dooday in lacagta ay hayaan tahay cashuurtii ummadda ee laga xaaraantimeeyey in xisbiya keliya danihiisa siyaasadeed u adeegsado, iyadoo arrintaasina ka cadhaysiisay madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda oo hawlwadeennadaas ku eedeeyey inay gacan-saar la leeyihiin xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kadibna sidaa shaqadoodii ku waayeen.

Shaqo-ka-fadhiistan masuuliyiinta kastamka Caynabo, ayaa loo aanaynayaa inay ka dhalatay kulan badhtamihii toddobaadkan magaalada Garadag ku dhexmaray Badhasaabka Gobolka Saraar iyo Maayarka Degmada Caynabo iyo weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Rayaale ee booqashada ku tegay Gobolka Sanaag, kuwaasoo sida ilo xogogaal ah xuseen u sheegay weftiga Madaxweynaha in hawlwadeennada kastamka Caynabo taabacsan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana u dhego-nuglaan waayeen ololaha UDUB, sidaa awgeedna Wasiirka Maaliyadda oo weftiga la socday bixiyey amarka labadaas masuul shaqada lagaga fadhiisiyey.

Qoraal agaasimaha waaxda Kastamada ee wasaarada maaliyada Mr. Axmed Cabdillaahi soo saaray 12 June 2010, ayuu ku sheegay in xilkii laga beddelay maamulihii iyo khasnajigii guud ee kastamka magaalada Caynabo, kuwaasi oo loo soo dhaadhiciyey xarunta Hargeysa, iyada oo boosaskoodiina lagu beddelay Cabdi Cismaan Axmed oo hore uga tirsanaan jiray kastamka Burco iyo Siciid Xuseen Guuleed oo isna ka tirsanaan jirtay xarunta waaxda kastamada.

“Aniga oo fulinaya amarka wasiirka maaliyada waxa la idinku wargelinayaa in maanta (Sabtidii) oo bishu tahay 12 June 2010 la idiin kala beddelay xilkii,” ayaa lagu yidhi qoraalka xilka loogu kala beddelay masuuliyiinta kastamada ee xukuumadda UDUB ku diiday inay bixiyaan dhaqaalaha ololaha.

Source Jamhuuriya Online

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *