Malaysia (ANN)- Aradayada waxbarashada u joogta xarunta Dalkaa Malaysia ee Kuwalampur ayaa sameeyay munaasibad xus ah oo loogu tala galay

 

 konton guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadat mustacmaradii boqortooyadii Britain 26 Juun 1960-kii oo ku beegan maalinta loo qoondeeyay inay shacbiga Somaliland u dareeraan codbixinta doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

 

 

Qoraal kooban oo ay Ururka Aradaydu usoo direen Shebekada  wararka ee Araweelo News Network oo ku saxeexnaa C/risaaq Khadar Habey oo ka mid ah xubnaha Ururka , isla markaana ay kaga warbixinayaan sida ay xafladaasi u dhacday wuxuu u qornaa sidan;-  

“ Xaflad lagu xusayey sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegtay markii guumaystihii ka kacay dhulkeena hooyo 26-june-1960kii ayaa heebnimadii axadii 14-june  lagu qabatay wadanka malaysia gaar ahaan caasimada  Kuwalampur. Xuska munaasibadaa  oo ay soo qaban qaabiyeen  Ururka Ardayda Somaliland ee wadanka Malaysia oo loo soo gaabiyo [SSOM], taas oo tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo  si weyn loo  soo agaasimay ee munaasibada  26 june loo qabto ee kadhacda wadanaka Malaysia .

furitaankii aayado quraana ka dib waxa  hadal kooban oo ah kelmedo  dhiiri galina u jeediyay  Aradayda Mowliid Maxamed Samaale. Sidoo kale  Maxamed C/laahi Xasan oo isna ka hadlay halkaa ayaa ka sheekeeyay  ahmiyada  waxbarashadu leedahay .

Gudoomiyaha Ardayda Somaliland ee Malaysia  C/risaaq Khadar Haybe oo isna ka hadlay sidii ardayda somaliland ee malaysia ay iskugu duubnaan lahayd iyo ururkan ardayda cusub ee xilka la wareegay iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay Ururadii hore u soo maray  Aradayda wadanka Malaysia wax ka barata. Gudoomiyaha Ururkaa ayaa  ugu danbayntii shahaado sharaf gudoonsiiyey laba xubnood oo ka mida inamada ugu firfiroona ururka howl wayna ka qaatay sidii ay u qabsoomi lahayd xafladani , kuwaas oo kala ah Mustafe Xasan C/laahi (Camii) oo ah Afhayeenka Ururka iyo Mukhtaar Ciise Obsiiye oo ka mid ah  xubnaha sare  ee hogaanka  Ururka. Sidoo kale waxaa halkaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Maxamed Cali Axmed iyo Liibaan Aadan Cabdi, kuwaas  qayb laxaad leh ka qaatay qabaanqaabada xafladaas waxaa iyana xafladaa lagu maamuusay oo shahaado sharaf lagu siiyey innanta ugu da’da yar haweenka somaliland ee dalka malaysia, innantaas oo ku mutaysatay ka qayb galka xaflad kasta oo ardayda reer somalilnad dhigto, inantaas oo ah Muumina Cali Ciise.

 gabagabadii waxaaa ururka ardaydu u mahad naqayaan dhamaan marti sharaftii kala soo qayb gashay dabaaldegii xaflada 26 june. waxanay sidoo kale u mahadnaqayan dhalintii waxqabadka lixaadka weyn ka geysatay. “

 

C/risaaq Khadar Habey

060176813657

Kuwalampur  Malaysia

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *