Ceergaabo(ANN)- Masuuliyiintii u saraysay Gobolka Sanaag hogaanka Xisbiga talada haya ee UDUB iyo degmada Ceerigaabo, ayaa gebi ahaanba iska  wada casilay xilalkii ay ka hayeen xisbigaa.

 

Sidaana waxay ku sheegeen masuuliyiintaasi shir saxaafadeed ay maanta ku qabteen magaalada Ceergaabo ee xarunta  gobolka Sanaag.

 

 

Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ee Xilalkii ay hayeen iska casilay waxay kala yihiin  Guddoomiyihii Gobolka Sanaag ee Xisbiga UDUB Cali Ismaaciil Barre (Cali Qasaaye), Guddoomiyihii degmada Ceerigaabo Maxamed Cawad (Ina Cawed gacanlaw), Guddoomiyihii garabka haweenka ee gobolka Sanaag Aamina Cali Yare iyo Guddoomiyihii garabka haweenka ee degmada Ceerigaabo Faadumo Fiin 

Hogaankii xisbul xaakimka ee heer gobol iyo degmo waxay ku sababeeyeen is casilaadooda mid ka dhalatay ka  dib markii ay isku qanciyeen  in aanu xisbiga UDUB  u muuqan mid kasbanaya kalsoonida shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland, isla markaana uu ku fashilmay balanqaadyadii uu hore ugu qaaday dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag.

Hase yeeshee waxay ka gaabsadeen inay xiligan iftiimiyaan xisbiga ay ku biirayaan iyo waxay yeeli doonaan, balse waxa ay xuseen inay ka tashanayaan halka ay tegayaan, isla markaana maalmaha soo socda ay si cad u iftiimin doonaan siyaasadooda iyo halka ay caga dhiganayaan.

Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ee maanta kaga dhawaaqay Iscasilaadooda  xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo ayaa la rumaysan yahay inay ka dhalatay guuldaradii iyo weji gabaxii uu musharaxa xisbiga UDUB Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kala kulamay shacbiga gobolka sanaag ee uu sabtidii kasoo laabtay. Kadib marii uu halkaa ku maqnaa safar laba maalmood qaatay oo uu ku maray deegaano ka tirsan gobolka,isagoo fagaaraha beerta xoriyada ee Ceergaabo kala hadlay dadweynaha, isla markaana ka codsaday inay codkooda siiyaan mar kale.

  Sidoo kale ka hor uu kulamo  gooni gooni ah la yeeshay Odayaasha deegaanka, ka hor intii aanu kasoo bixin ee aanu soo geba gebayn safarkiisa dhinaca cirka, kaas oo la rumaysan yahay inuu ku dhamaaday quus iyo weji gabax, iyadoo mudadii socdaalka taageero doonka ah ku marayay deegaanka gobolka sanaag intiisa badan si weyn loogu soo dhoweeyay, balse ay shacbiga gobolka sanaag u muujiyeen fariimo cad  musharaxa UDUB, kuwaas oo ay ugu sheegayeen sida  aanay waqtigan diyaar ugu ahayn inay mar kale doortaan oo ay ku khasaariyaan codkooda, maadaama aanu waxba ka fulin balanqaadyadii adeegyada aasaasiga ah ee  sideed sanadood ka hor uu bulshada gobolka sanaag u balan qaaday xiligan oo kale markii lagu jiray tartanka doorashadii 2003, taas oo uu ku guulaystay.

Maaha masuuliyiintani kuwii ugu horeeyay ee iska casila xilalkii ay ka hayeen xisbiga UDUB, balse todobaadkii hore ayay ahayd markii ay sidan oo kale is wada casileen gudoomiyihii gobolka Awdal ee xisbiga UDUB  Awdal Maxamed Aadan Suldaan, kaas oo meel  fagaare uu khudbado ka jeedinayeen  Musharaxiinta xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, C/raxmaan Seylici iyo masuuliyiin kale, wuxuuna gudoomiyihii xisbiga UDUB ee gobolka Awadal  kaga dhawaaqay fagaaraha isu soobaxyada Kulmiye  in uu iska casilay xilkii uu ka hayey ee Xisbul Xaakimka UDUB, isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ugu weyn. ka dib markii sida uu sheegay xisbigiisii hore ku guul daraystay in uu ka midhadhaliyo waajibaadkii loo doortay.

Sidoo kale waxa isla todobaadkii hore sidan oo kale isku casilay fagaarayaal ay musharixiinta xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale qudbado uga jeedinayeen taageerayaashooda masuuliyiintii degmooyinka Alaybaday Xasan Cabdi Cali(Xasan Sharaf),iyo  gudoomiyihii Degmada  Faraweyne Maxamed Cabdi Liibaan, oo si lama filaana fagaarayaal kala duwan oo gooni gooni ah  uga sheegay inay  iska casileen  xilalkii ay hayeen , isla markaana ku biireen  xisbiga Kulmiye, waxayna  sheegeen  in xukuumada iyo xisbigeeda Udub ku fashilmeen inay wax u qabtaan dadka deegaanadaa ay masuulka ka ahaayeen. Sidaa awgeedna isu casileen oo ku biireen xisbiga Kulmiye

Gebiahaanba is casilaadaha masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa u muuqata mid si cad u iftiiminay guuldarada iyo kala daadsanaanta xisbil xaakimka, iyadoo ay weji gabax ku yihiin dhacdooyinkaasi musharixiinta xisbul xaakimka ee doonaya in mar labaad loo doorto hogaanka dalka sideed sannadood oo saddex ka mid ahi aanay waafaqsanayn sharciga iyo dastuurka dalkana xilka hayay, isla markaana waxba kama jiraan ka dhigay balanqaadyadii xiligii ololaha doorashada sideed sannadood ka hor xiligii ololaha ay shacbiga u balan qaadeen, taas oo hada u muuqata inay tahay dhirbaaxooyinka siyaasadeed iyo weji gabaxa kaga imanaya dhinaca bulshada gobolada dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *