Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xoriyadoodii usoo celisay koox xildhibaano ah oo ka tirsan golaha deegaanka Gebilay, kuwaas oo shalay xabsiga loo taxaabay. Kadib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen rabshado gacan ka hadal ah, iyagoo doonayay inay kulan aan caadi ahayn ku

 

yeeshaan hoolka shirarka ee golaha deegaanka gebilay.
Xildhibaanadaa oo tiradoodu ahayd 12 xildhibaan, ayaa doonayay inay doortaan Maayar, maadaama Haweenayda Maayarka ka ah Gabiley Khadra Xaaji Gaydh tahay ku meel gaadh, balse xukuumadda xabsiga u taxaabatay. Kadib markii lagu eedeeyay inay rabsasho sameeyeen oo ay je-jebiyeen muraayadihii daaqadaha Hoolka, isla markaana dhaawacyo gaadhsiiyeen askarta ilaalinaysay goobtaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sheegay inuu amray in saldhiga dhexe ee magaaladda Gabiley laga soo daayo 12 xildhibaan oo ka mid ah 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka Gabiley.
Mudanayaashan oo la sheegay inay ka cadhoodeen fadhiyadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen oo wasaaradda arrimaha guduhu ka horjoogsatay, waxayna mudaharaadkan oo ahaa mid rabshado wata. Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maanta war koob siiyey BBC-da ayaa sheegay in ay xildhibaanadaasi qabsan karaan kal fadhigooda aan caddig ahayn haddii ay soo maraan waddo sharci ah.
Dhinaca kale Sadex Masuul oo shalay xukuumaddu isugu dartay xil ka qaadis iyo xadhig, ayaa maanta Maxkamadda gobolka Hargeysa la geeyay, si loo sharciyeeyo Xadhigooda. Masuuliyiintaa oo kala ah  Badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex  Maxamed Cumar C/llaahi  (Xamarji), Agaasimhii Guud ee wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi-yare iyo La Talihii Madaxweyne Xigeenk Cismaan.Siciid Jaamac. Kadib markii Sadexdaa masuul  Ciidamadda Booliisku xabsiga u taxaabeen shalay, iyadoo lagu  inay musuq-maasuqeen Deeq Raashin ah oo loo waday dad masaakiin ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *