Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaara iyo Dhaqanka Cabdi Siciid faahiye ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku  shaacinayo liiska Ciyaartoyda xulka Qaranka Dalka Soamliland u metelaya kubada Cagta, kuwaas oo sida uu sheegay laga soo xulay 8-da gobol ee

 

Soomaaliland, isla markaana kasoo dhexbaxay tartankii Ciyaaraha  gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togsheer.
Wasiirka Wasaasaradda Dhalinayaradda Ciyaaha iyo Dahqanka Cabdi Siciid Faahiye, waxa  uu sidaa  sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay wasaraaraddiisa,  kaas oo lagu shaaciyay magacyada Ciyaartoyda oo ka kooban 26 Ciyaartoy, isla markaana saxaafada loo qaybiyay.
Qoraalka Wasiirka ee xulka Ciyaartoyda Qaranka lagu shaaciyay ayaa  udhignaa sida:-
“Kadib ciyaarihii gobolada JSLee ku qabsoomay magaalada burco dabayaaqadii 2011 oo ahaa mid guul weyni uga soo hoyatay qaranka Somaliland ayaa midhihii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in laga soo xulo kooxihii  xulka qaranka sida kubadda cagta kubadda koleyga iyo ciyaaraha fudud.
Hadaba iyadoo aanu u xilsaarnay khubaro aqoon khibrad iyo waayo aragnimo  u leh xulista qaybaha  kala duwan ayaa waxa loo xulay kooxda kubadda Cagta ee Qaranka JSLCiyaartoyga magacyadoodu qoraalkan ku lifaaqan yihiin.

Liiska Xulka Kubada Cagta ee Jamhuuriyada Somaliland
no    Magaca oo sadexan    naanays    Gobolka    Booska uu ka ciyaaro
1    c/riyaad bashiir cabdi        m/jeex    Weerar afka hore
2    c/fataax cismaan xuseen    Shanbidhiidho    ////////    Difaac hore
3    Maxamuud  cabdi xasan    goofindhe    ///////    Weerar baal bidix
4    Shar make fuaad cali    Xamari    ////    Weerar baal midig
5    c/kariin maxamed xirsi    guji    ///    ///    dhex
6    c/risaaq maxamed jaamac    carab     ///////    Gool haye
7    Haybe good hure         G/hawd    Weerar baal bidix
8    Cawil maxamed cilmi        G/hawd    weerar
9    Xamse  axmed c/laahi    febregas    G/hawd    dhex
10    c/qani saleebaan caynaan    yuuyo    G/hawd    Gool haye
11    Liibaan maxamed axmed    sisco    G/awdal    weerar
12    Muxiyadiin ducaale diiriye    muxiyo    //   /////    Dhex
13    c/samed ibraahin miigane    Ina saqadhi    //         //    Difaac
14    Ibraahin siciid daahir        ///    ///    difaac
15    c/raxmaan maxamed maxamuud    xaduur    G/saaxil    difaac
16    Jaamac c/laahi cawad    Maro yare    G/saaxil    Dhexda
17    Farxaan maxamed axmed        G/togdheer    dhex
18    c/risaaqa xasan jaamac    gadhle    //         //    difaac
19    c/salaan faarax jaamac    dhiidhiyo    G/sool    dhex
20    Axmed cabdi cismaan    dhabahaye    //     ///    weerar
21    Ibraahin c/raxmaan saalax    messi    G/sanaag    weerar
22    Maxamed axmed xaashi    culay     ///         //    Gool haye
23    c/raxmaan jaamac muuse    Dhay lo aad    G/gabilay    difaac
24    Cumer cali cismaan    jirfac     //       ///    dhex
25    Sakariye cali cige    diiko    //          ///    dhex
26    Mahdi cabdi qaadir        ///     /////    Weerar

Dhinaca kale Ciyaartoyda xulka Qaranka ee wasaaraddu soo saartay ayaa noqonaya xulkii qaranka ee ugu horeeyay ee Wasaaradda Ciyaaruhu samayso dhawr iyo labaatankii sanadood ee ay jirtay Somaliland. iyadoo ciyaarihii tartanka gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay si weyn usoo jiisteen rayalcaamka Bulshada Somaliland. kadib markii mudadii uu socday tartankaasi si toos ah looga daawanayay shaahdaha aduunka, kadib markii  ay suurta gelisay shirkadda Somtel in toos looga daawacdo mudadii ay socdeen dacalada aduunka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *