Hargeysa(ANN)Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-murtiyeed ka soo saaray kulan balaadhan oo ay maanta huteelka Crown ee magaalada Hargeysa ku yeesheen ku dhowaad sideetan suxufi oo ka kala socday warbaahinta Somaliland,  khuburo dhinaca saxaafada ah oo ka

 

hawlgala warbaahinta caalamiga ah iyo qaar ka mid raggii seeska u dhigay saxaafada Somaliland. gunaanadkii shirkaa waxaa  lagu  sheegeen in la abuuri doono machad ama jaamacad saxaafadeed iyo in suxufiyiintu ay dhawraan anshaxa iyo dhexdhexaadnimadooda.
Qoraal  SOLJA shirka ka soo saaray  wuxuu u dhignaa sidan:- “Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 11/03/2012 ku qabtay huteelka Crown ee magaalada Hargeysa shir ballaadhan oo ay ka qaybgaleen khubaro ka tirsan warbaahinta dunidda iyo da’yarta ku hawllan mihnadda saxaafadda Somaliland, kaas oo dullucdiisu ku qotontay laba qodob oo kala ah;
a) In laga wadahadlo horumarka iyo caqabaddaha saxaafadda Somaliland.
b) In la helo fursad ay ku kulmaan suxufiyiinta khubarada ama waayo-araga ah iyo kuwa da’da yar ee reer Somaliland, si ay ugu faa’iidaydeeyaan.
Shirka oo qabashadiisa ururka SOLJA ay ka taageertay shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, laguna casuumay ilaa 70 suxufi oo ka kala shaqeeya dalka dibadiisa iyo gudihiisaba waxa xubnaha khubarada ah ee ka qaybgalay ka mid ahaa; Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ah aqoonyahan iyo suxufi caan ah oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, Aadan Muuse Jibriil oo hadda wax ka dhiga jaamacad ku taal xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, Xuseen Cali Nuur, Axmed Siciid Cige, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xildhibaan Axmed Ducaale oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Xasan Maxamed Jaamac (Xiis) oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil, Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle) iyo Faysal Cali Sheekh oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo weliba rag kale oo isugu jira waayo-arag qoraalka ah iyo aqoonyahano dhawr ah.
Kulanka waxa muddadii uu socday lagu falanqeeyey heerarka horumar, dib-u-dhac iyo baahiyaha saxaafadda Somaliland, kuwaas oo doodo iyo su’aalo badan oo la iska waydiiyey kadib, ay ka soo baxeen inay jiraan horumar iyo caqabado is huwan oo warbaahinta dalka weheli u ah.
1. Ka qaybgalayaasha shirku waxay isku raaceen in saxaafadda Somaliland kaalin weyn ka qaadatay dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, xallinta khilaafaadka, dhismaha hannaanka dawladnimo iyo hano-qaadka dimuqraadiyadda, isla markaana iyada lafteedu samaysay horumar dhinacyada xorriyatul-qowlka, kobaca qaybaha warbaahinta, gaar ahaan ta qoraalka oo lagu ammaanay, iyadoo ay haysato duruufo adadag oo aanay cidi ka caawin.
2. Shirku waxa uu ka dooday oo isla gartay in saxaafadda Somaliland ay haystaan caqabado badan oo hortaagan ama dhibaato ku ah horusocodkeeda, iyadoo kuwa ugu waaweyn ee la isla qiray ay ka mid yihiin kuwa ka kala yimaada dhinacyada dhaqaalaha, aqoonta, qalabka, shuruucda iyo turrun-turrooyin dibadeed.
Tallooyinkii shirka ka soo baxay;
– In la dhiso tayada aqoonta suxufiga oo la helo mac-had ama jaamacad mihnadeeda laga barto.
– Suxufigu inuu ku dadaalo sugnaanta iyo dheelitirka warka, isla markaana ilaaliyo anshaxa iyo waajibaadka mihnadiisa.
– In xilka suxufiga saarani yahay mid aad u culus oo u baahan inuu ka foojignaado sida uu u gudanayo
– Maadaama tifaftiruhu uu masuul ka yahay wax kasta oo hay’addiisa warbaahineed baahiso in ay laga maarmaan tahay inuu yeesho aqoon iyo waayo-aragnimo saxaafadeed ku filan.
– In Saxaafaddu xoojiso qarannimada iyo waddaniyadda iyo weliba inay difaacdo guulaha iyo qaddiyadda dalka, ilaalinta nabadgelyada iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee dawladnimo.
– Saxaafaddu inay ku dadaasho baahinta mowduucyada ku saabsan arrimaha bulshada, oo aan lagu koobnaan wararka siyaasadda oo keliya
– Suxufiyiinta Somaliland inay is-aaminaan oo aanay iyagu kala shakiyin,  ama is colaadin
– Hay’addaha warbaahintu inay hagaajiyaan xuquuqda suxufiga.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *