Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay eeddo xukuumaddiisa

kaga yimi dhinaca  garsoorka oo ku la xidhiidhay n Xukumadiisu faro galin qaawan ku hayso arrimaha garsoorka.

Sidaana  wax lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexanaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso. Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeenna, haddii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon.

Ugu dambayn garsoorka iyo maxkamadeheenna waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawladda, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay,”ayuu madaxweynuhu ku yidhi qoraalka uu kaga jawaabay eedihii xukaamta maxkamadaha hoose u soo jeediyeen xukuumadda.

jawaabta Madaxtooyadda ayaa ka danbaysay ka dib markii garsoorayaal Maxkamadda ka tirsan ay shaaciyeen in ay khaatiyaan ka taagan yihiin qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *