Hargeysa(Araweelo News Network)Ciidabka Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay Geerida  Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Gabadh Ganacsato ah oo muddo toddobaad

ku dhow baadidoonkeeda lagu jiray. kadib markii Raq iyo Ruux la waayay,  balse ay jireen warar iyo sheekooyin la xidhiidha gabadha la waayay oo loo badinayay in aanay noolayn oo la dilay.

 

Hase yeeshee Meydkeeda laga soo saaray maanta Guri ku yaala Barriga Hargeysa oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Shiraacle, kaas oo ahaa halkii ugu wardanbaysay ka hor inta aan la dilin marxuumaddaa oo gurigaa ugu tagtay haweenay ay lacag ku lahayd, balse sabab u noqotay dilka foosha xun ee lagu khaarajiyay Marxuumadda.

Marxuumadda  oo maydkeeda laga soo saaray god laga qoday gurigaa oo lagu daboolay, iyadoo Booliiska ayaa markii warbixinta la soo gaadhsiiyey soo xidhay gabadha ugu war danbaysay ee  girigeeda  laga helay Maydka ka hor intii aan la helin Maydkeeda Taliyaha Qaybta Booliiska Barriga Hargeysa ayaa sheegay in marxuumada la dilay ay Hooyadeed u sheegtay in ay guraa lagu dilay tegeyso iyadoo ka doonatay lacag ay ku lahayd. Haweenayda dilkaa loo haysto  oo magaceeda lagu sheegay Muna Maxamuud Cabdullaahi, taas markii hore damiin lagu siidaayay, kadib markii iyadoo la tuhunsanyahay uu damiintay Nin ay caruur u lahayd, balse markii Qoyska Marxuumadu dacweeyeen Taliyaha sii daayay haweenaydaa ayaa mar kale lasoo qabtay Haweenayda iyo shan qof oo kale oo ka mid ah qoyskeeda.

Booliiska ayaa isla markii ay dadkaas soo qab qabteen waxa ay Mobile-kii gabadha la doon doonayey ka heleen Gabadh yar oo ka mid ah Qoyska ay lacagta u doonatay, balse waxa ay qariyeen in ay Xog dheeraad ah sheegaan, Booliisku kamay quusan in ay helaan raadad dheeraad ah, waxaanay isku dayeen labadii maalmood ee ugu danbeeyey in ay Qoyska su’aalo weydiiyaan waxaanay manta qirteen Dilka Haweenaydaas iyagoo sheegay in ay Meydkeeda ku aaseen daarada gurigooda, halkaas oo ay Booliisku maanta ka soo saareen.

Marxuumada la Dilay ayay BooliiskuMeydkeeda  keeneen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu baadhayo Nabarada ay u dhimatay ee lagu dhuftay, iyadoo dadweyne farabadan oo dhacdadan la amakaagsani soo buux dhaafiyeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, kuwaas oo si weyn uga argagaxay qaabka dilkaas oo ah mid sida loo fuliyay ku cusub dhegaha Bulshada Somalialnd.

Gabadha la Dilay ayaa ka mid  ahayd Dumarka Haftada ama Hagbadaha ku jira, waxayna wararka la xidhiidhaa  sheegayaan in  ay Gabadha Dishay ku lahayd, lacag,  taasoo isaga dhigtay in ay siinayso balse shirqool Dil ah oo qoysku ka wada qayb qaateen u maleegtay.

Sheekooyin kale oo lala xidhiidhinayo dhacdooyin caynkan oo kale ah ayaa la isla dhex marayaa Hargeysa, waxaanay dad badani manta iyo maalmahanba ku sheekaysanayaan Dumar iyo gabdho kale oo inta sidan oo kale loo waayey lagu  tiriyey in ay Tahriibeen laakiin  dhacdadan maanta soo shaac baxday dad badan dareen cabsi iyo wer wer ku abuurtay.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *