Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa fadhigii  maanta ee golaha wakiilada hortegey si uu sharaxaad

uga bixiyo Odoroska Miisaaniyada 2014, taas oo ka badan Miisaaniyadii sanadkii hore 2013 oo gabaabsi ah.
Fadhiga Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxmaan Ciro), wuxuu Wasiirka Maaliyaddu sharaxaad  koobankaga  bixiyay ku taka galka Miisaaniyadda iyo meelaha laga filayo dakhliga.

Wasiirka wasaarada Maaliayada Cabdicasiis maxamed Samaale waxa uu  ku dooday in aanay jirin cashuur ay kordhiyeen, isagoo taa bedelkeeda sheegay in ay dhimeen cashuuraha qaar, balse  aan  si cad sharaxaad uga bixin meelaha korodhku ka imanayo  iyo meelaha ay culayska saarayaan, wuxuuna difaacay  Xeerka Takaaliifta wadooyinka ee goluhu dhawaan ansixiyey  oo muran weyni ka taagnaa, kaas oo uu sheegay in dakhli ahaan uu  miisaaniyada kujiro kharash ahaana kujiro.

Wasiir Samaale  oo faahfaahinaya miisaaniyada sanadkan oo laga soo qadimay xiligii dastuurku jideeyay, waxa yidhi,  “ Anigoo mudanayaal iyo gudoomiye ku faraxsan inaan miisaaniyadii 2014 maanta oo 29kii 09/2013 ah aanu idiin soo gudbino si aad uga fushataan waajibaadkiina Dastuuriga ah, waxay miisaaniyadani dhan tahay 152 milyan oo dolar waxanay sanadkii hore dheer tahay 27 milyan oo dolar waxaanay taasi ku timi dedaal badan oo aad idinkuna qaybtiina ka qaadateen”

Wasiirka maaliyadu wuxuu shegay inay korodhkaa ay sameeyeen aanay ku keenin cashuuro la kordhiyey ee ay dhimeen cashuuro badan oo ay ka mid yihiin,  Cashuurta shaqaalaha, Kala wareejinta, Agabka beeraha iyo kaluumaysiga, Qalabka biyaha deegaanka iyo tamarta iyo sidoo kale Qalabka  warshadaha.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo sheegay  in Miisaaniyadda 2014, ay ku jiraan waxyaabo kale oo mihiim ah, wuxuuna ku faanay  in darajadii ciidamada lacagteedii gunooyinka derejooyinka lagu daray Miisaaniyada, taas  oo ay bilaabayaan September sanadkan 2013, isla markaana  mushahar kordhin 20% ah oo shaqalaha iyo ciidamadaba xukuumaddu u qorshaysay  sanadkan 2014.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay qorshaha miisaaniyadda ku jiraan,  DHismayaasha 6 wasaaradood iyo kharashaadka Diiwaangelintii codeeyayaasha ee doorashooyinka la filayo ee aan weli la ogayn xiligga ay dhacayaan, isla markaana Axsaabta qaranka 60% kab ah loogu daray Miisaaniyada iyo shaqaale cusub oo sida uu sheegay gaadhaya 1418 shaqaale cusub oo dawladu qaadan doonto sanadka 2014.

Dhinaca kale Miisaaniyadda oo laga soo hormariyay xiligga dastuurku jideeyay, isla markaana aan la ogayn in mala awaalkeedu xaqiiq noqoyanyo iyo kale waxa uu si adag Wasiirku ugu dooday in aanay jirin cashuuro ay kordhiyeen, wuxuuna ku faanay inay dhimeen cashuuraha qaar, balse  miisaaniyadan oo sadex jibaar ah tii xukuumaddii Daahir  Rayaale golaha usoo gudbin jirtay, waxa la rumaysan yahay in mala awaalkeedu ku salaysan yahay cashuuraha oo sadex jibaar la kordhiyay muadadii sadexda sanadood ahayd ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale lama ogga in ku tala galka Odoroska miisaaniyad sanadeedkii hore ee 2013, ay gebi ahaanba soo xerootay iyo in kale, isla markaana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo masoo gudbin illaa hadda xisaab xidhka Miisaaniyadihii hore, taas oo xaqiijin lahayd xaalada dhabta ah ee miisaaniyadda iyo in dakhligii loo baahnaa soo wada baxay iyo qaabka loo kharash gareeyay, sidaa awgeed waxay  u muuqataa Miisanayadda waqtigan golaha wakiiladda la hor geeyay mid la barariyay oo aan ku dhisnayn xaqiiqda dhabta ah ee dakhliga dawlada.

Balse  iyadoo ay jiraan su’aalo ka taagan Odoroska Miisaaniyadda ayaan marnaba laga filayn in golaha wakiiladdu ka gutaan waajibkooda la xisaabtanka  ee dastuurku siiyay , iyagoo taa bedelkeedana ay ku bedeshaan danohooda iyo laaluushka ay horseedka ka yihiin oo ku caan baxay golaha wakiiladda Soamliland, taas oo meesha ka saartay nidaamka dastuuriga ah ee la xisaabtanka iyo dabarka xukuumadda ee waajibkoodu ahaa.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *