http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/araweelonews-300x168.jpgMuqdisho(Arraweelo News) Koox dhalinyaro Soomaali ah oo kasoo sadcaalay dhinaca dalka Britain  iyo meelo kale oo dalalka Yurub ah ayaa lagu qabtay Madaarka Madaarka Muqdisho maalintii shalay. Kadib markii lala xidhiidhiyay kooxdaa dhalinyada ah in ujeedada safarkoodu ahayd inay

 

 

u hiiliyaan kooxdii qabsatay dhismaha Westgate Mall ee xarunta dalka Nairobi oo Sabtidii todobaadkii hore ay qabsadeen koox xagjir ah oo ay sheegatay Al-shabaab.

Ma jrio war ay xukuumadda Somalia ee Muqdisho kasoo saartay qabashada dhlinyaradaa iyo ujeedada socdaalkooda, balse warar dhinaca Hay’addaha amaanka iyo sirdoonka  ah oo ay soo xigteen shebekaddaha Araweelonews,com iyo arraweelo.com ayaa sheegaya in dhalinayaradaa oo sirdoonka Somalia gacanta ku dhigay maalintii shalay. Kadib markii warar la xidhiidha socdaalkooda oo ay mukhaabaraadka reer galbeedku u gudbiyeen sirdoonka dawlada Somalia shaki geliyeen ujeedad socdaalkooda.

Sida ay sheegeeyaan  wararka la xidhiidha dhalinyaradaa oo tiradooda lagu sheegay 12, waxay ka hor intii aan laga qaban Madaarka Muqdhiso kasoo boqooleen dalalka Britain iyo meelo kale oo Yurub ah, wuxuuna socdaalkoodu kusoo beegmay  sadex maalmood ka dib markii dawlada Kenya shaacisay in lasoo afjaray hawlgalkii Ciidamada Kenya oo kaashanaya khuburo dhinaca Mukhaabaraatka ah  iyo ciidamo ka socda Dalalka Britain, Isra’il, Farnce, Canada, Jarmalka iyo Maraykanka Afar maalmood oo la doonayay sidii dhismahaa oo ahaa goob ganacsi looga saari lahaa kooxda qabsatay, kuwaas oo 68 qof oo kasoo kala jeeda wadamo kala duwan, isla markaana ay ku jiraan Dublamaasiyiin iyo dad dunida caan ka ahaa ku dilay halkaa. Sidoo kalena 175 qof ay dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkaa oo weli lagu layahay dad ku dhow todobaatan qof, kuwaas oo aan la ogayn inay maydadkoodu ku hoos jiraan burburka dhismahaa iyo in kale.

Qabashada kooxda dhalinayarada ah oo u badan Soomaali haysta dhalashada dalka Britain , waxa ujeedad safarkooda lagu macneeyay mid hiil u ahaa kooxda Al-shabaab ee qabsatay dhismahaa, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya in socdaalkoodu ahaa sidii ay taageero u siin lahaayeen Kooxda Al-shabaab oo inta badan dhalinayaro kasoo waarida dalalka reer galbeedka, kuwaas oo ku hanuuniya in ay fuliyaan mabaadiida iyo fekerka ay aaminsan yihiin, isla markaana kooxaha dhalinyarada ee inta badan Al-shabaab ka keento wadamada reer galbeedka ee ay ku barbaareen ayaa noqda kuwo loo adeegsado qaraxyo iyo weeraro inay ka fuliyaan meelaha loo qorsheeyo.

 

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *