Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay canabaarayn iyo eedaymo lagula xidhiidhay inay daaha dabadiisa ka Hagaysay xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday todobaadkii hore kooxdii ku lagu eedeeyay musuq-maasuqa oo mudo

 

dhawr bilood ah dacawadoodu socotay.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), isla markaana ah afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,  ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay eedeymaha xukuumadda lagula xidhiidhiyay inay faro-gelisay xukunkii masuuliyiintii ku eedeysnaa musuqii raashinka.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka xukuumadda Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlaya arrimahaa, ayaa  u qoranaa sidan:-
“Maalmahan danbe waxa saxaafadda Somaliland lagu saydhinayay warar aan sugnayn oo lagu eedaynayo Xukuumadda Somaliland in iyadu ka danbeysay go’aankii-maxkamadeed ee laga gaadhay mas’uuliyiintii ku eedaysnayd arrinta rashinkii mucaawanada ahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weligii dhaqan uma ay ahayn, maantana uma aha, in uu faro-geliyo arrimaha ka socda maxkamadaha Somaliland, oo ah dhardhaar ka madaxbannaan fulinta iyo sharci-dejintaba. Sida oo kale xukuumaddan maanta ee Somaliland caado uma aha in ay faro-geliso ama ay daaha dabadiisa ka maamusho arrimaha hor yaal garsoorka Somaliland.
Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo dhaxal-gal ah oo loo wada riyaaqay oo aan dhinac ka rarnayn ka qaateen arrimo siyaasadeed oo aad u murugsanaa. Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo ka qaateen murannadii ka dhex aloosmay Xisbiyada UCID iyo UDUB. Shacbiga Somaliland aad ayay ugu bogeen go’aammadaa caddaaladda iyo garsoorka suubban ku qotomay.
Caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in Madaxweynaha iyo Xukuumadda faro-gelin waayay arrimahaa siyaasadeed aanay ku dhiirranayn ama dani ugu jirin in ay ku lug yeelato dacwad caadiya oo ka socota maxkamadaha.
Dhanka kale marka aad iska taagto, ma jirto sabab xukuumadda ku kallifta in ay faro-geliso dhacdooyin la xidhiidha raashin muucaawina ah oo dad mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa lagu eedeeyay.
Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in aanay cidina Madaxweynaha ka codsanin saamaxaad, isla markaana aanu Madaxweynuhu cidna farin af iyo qoraal midna, in uu saamaxaad u fidiyay mas’uulintaa la xukumay.
Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland waxay mar walba ixtiraamayaan go’aammada ka soo baxa maxkamadaha garsoorka.
Xildhibaannada iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ee saxaafadda cabashooyinkooda u adeegsanaya, waxa ka habboon in ay u maraan jidadka sharciyeed ee ay fursadaha u haystaan, aanay dadka kale haysan.
“Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaanin.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka kasoo baxay afhayeenka xukuumadda Somaliland, isla markaana ah wasiirka warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *