Hargeysa(ANN)Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,  ayaa dalka dib ugu laabtay. Kadib markii ay socdaal dhawr maalmood qaatay ku tageen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo ay wadahadalo

 

iyo kulamo kula yeesheen Raysal Wasaaraha Kenya Raila  Odinga.
Labadaa Wasiir oo maanta  kasoo degay madaarka magaalada Berbera,  ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay safarkooda, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid guul kusoo dhamaaday.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in booqashada ay ku tageen dalka Kenya ay la xidhiidhay marti qaad ay ka heleen madaxda sare ee wadanka Kenya, isla markaana ay gogol xaadh u soo samaynayeen socdaal uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ku tagi doono dalka Kenya, taas oo ka dhalatay  kadib markii uu marti qaad u fidiyay Ra’isal Wasaaraha Wadanka Kenya Railla Odinga.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in mudadii ay Nairobi  joogeen ay kulamo kala duwan la yeesheen Ra’isal Wasaaraha Kenya oo uu xusay inay ka wada hadleen arrimo badan oo taabanaya cilaaqaadka dhinacyada dhaqan dhaqaale ee labada wadan iyo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar waxa kale oo uu ka waramay shirkii ay kaga qayb galeen ee wadanka Turkiga horaantii bishan isaga iyo laba wasiir oo kale oo xukuumadda ka tirsan, wuxuuna ku faanay in  shirkaa ay Somaliland uga soo baxeen arrimo wax ku ool ah,oo ay ka mid yihiin in dawlada Turkigu ay go’aansatay in Mucaawinooyinka ay siiso geeska Afrika , kuwaas oo uu xusay inay Somaliland si gaar ah Turkigu ugu qoon daysay, isla markaana ay dawlada Turkigu ay xafiis ay ka maamusho mucaawinooyinka ay ka furan doono Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland waxa uu sheegay inay filayaan in ra’isal wasaare Ku xigeenka dalka Turkigu uu booqasho ku iman doono Somaliland, taas oo uu sheegay inay la xidhiidho  sidii ay dawladda Turkigu  indhahooda ugu arki lahaayeen  horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Somaliland ku talaabsatay.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland waxa uu intaas ku daray in shirkada diyaaradaha ee Turkigu ay duulimaadyo ku iman doonto Somaliland, balse muu cayimin wasiirku xiligga ay dawladda Turkigu xafiiska ka furaynayso Somaliland iyo waqtiga uu ku xigeenka raysal wasaaraha Turkigu booqashada ku imanayo Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *