Hargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ku kala qaybsan qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u wado talada iyo hogaanka dalka, waxaana debeda usoo baxay maalmihii u danbeeyay siyaabaha ay hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanada kasoo baxay

 

xisbigaa ee golaha wakiiladu ugu kala aragti  duwan yihiin siyaasada xukuumadda.
Todobaadkii hore markii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ku dhawaaqday go’aanka dacwad mudo dhawr bilood ah ka socotay maxkamadda oo la xidhiidhay masuuliyiinta loo haystay musuq-maasuqa raashinka oo maxkamaddu ku xukuntay Badhasaabkii hore Axmed X. C/llaahi Xamarji iyo Agaasimhii hore ee dib u dejinta Axmed Cilmi Bare midkiiba sadex sanood oo xadhig ah, halka ay Cismaan Siciid Jaamac,  oo ahaa La taliyihii Madaxweyne xigeenka ku 1 sano  oo xadhig ah iyo sadex milyan oo shilin oo ganaax lacageed ah, balse uu debeda usoo baxay laba maalmood ka dib markii uu iibsaday xukunkaa.
Hase yeeshee xukunka maxkamadda waxa si kulul u canbaareeyay xildhibaano ka tirsan xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ku tilmaamay xukunkaa mid cadaalada ka fog, isla markaana aan waafaqsayn dacwadii maxkamaddu ka garnaqnaysay, waxaana xildhibaanadaa oo kala ah Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, Siciid Cilmi Rooble, Axmed Ducaale Bulaale iyo Axmed Weyne ku tilmaameen xukuumadda ay ka baydhay qorshihii iyo istiraatiijiyadii Kulmiye ku balanqaaday inuu dalka ku hogaaminayo, taas oo ay sheegeen in hagaajinta garsoorka iyo la dagaalanka musuqmaasuqu kow ka ahaayeen, balse ay labadaa arrimood ku fashilantay xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka leexatay jidkii la doonayay inay marto.
Laakiin Gudoomiye xigeenka labaad ee xisibiga Kulmiye, isla markaana ka tirsan golaha wakiilada Maxamed Yuusuf Waabeeyo, ayaa ku tilmaamay dhawaaqa xildhibaanada mid ka hor imanaya anshaxa iyo xeerka xisbiga Kulmiye. Sidaa awgeed xildhibaanadaa talaabo laga qaadi doono.
Xildhibaab Waabeeye oo maanta ka hadlay dhawaaqa xildhibaanadaa iyo eedaha ay u xanbaariyeex xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ku dooday inaanay Eedaahaa waxba ka jirin,  haddii ay Xukuumaddu qaldan tahayna aanay haboonayn in Cidlada laga eedeeyo ee ay kulamada Xisbiga, Golayaasha,  ama Xukuumaddaba kala hadlaan oo ay halkaa uga tabiyaan,  balse  aanay ahayn in Ummadda la majarahabaabiyo oo loo sheego waxaan jirin.
Xildhibaan Waabeeye wuxuu ku tilmaamay eedaha xildhibaanadu u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay la mid  yihiin,  kuwii C/raxmaan C/qaadir Gudoomiye xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye  ku kacay oo kale ka hor intii aan laga saarin xisbiga. Sidaa awgeed wuxuu ku dooday Waabeeye in haddii ay tahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo haddii ay tahay Xildhibaanada Golaha Dhexeba cidii ku xadgudubta sharciga Xisbiga u yaala lagu abaaal marin doono Anshax Marin Deg deg ah.
Dhinaca kale Jawaabta gudoomiye xigeenka Labaad ee Kulmiye eek u waajahan xildhibaanadaa, ayaa muujisay inay  jirto kala qaybsanaan ku waajahan siyaasada xukuumadda oo xisbiga dhexdiisa ah, waxaana soo baxayay warar kale oo sheegaya in xisbiga Kulmiye waqtugan fooda iskula jiro, iyadoo ay jiraan mudanayaal qaarkood ku doodayaan in talaabo laga qaado xildhibaanada canbaareeyay xukuumadda, kuwaas oo ku doodaya in waxa keliya ee gudoomiye xigeenkii labaad ee xisbiga laga raacay ahayd dhaliil siyaasada xukuumadda ah. sidaa awgeed la mariyo xildhibaanada sidan yeelay wadadii la mariyay C./raxmaan C/qaadir, balse waxa jira iyana koox kale oo ka mid ah xisbiga Kulmiye, kuwaas oo isugu jira xildhibaano iyo saraakiil kale oo ku doodaya in canbaaraynta iyo dhaliisha xukuumadda ee mudanayaasha Kulmiye tahay mid sax ah oo dumuqraadiyada ka turjumay, isla markaana lagu doonayo oo keliya in la saxo xukuumadda, balse aanay ujeedadu ahayn in la bur- buriyo.
Si kasba ha ahaatee dhawaaqyada siyaasadeed ee iska soo horjeeda, ayaa si cad u muujinaya inay jirto kala qaybsanaan xiliggan dhinaca siyaasada xukuumadda oo u dhaxaysta xisbiga kulmiye ee muxaafidka ah iyo xukuumaddiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *