Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u gudbiyay Golaha Wakiiladda  Somaliland ogolaanshaha Ansixinta Daabacadd a lacag cusub oo ah  Noodhadhka  Kunka  iyo Shanta Kun ee shillinka Somaliland, taas oo  noqonay  noodh cusub oo aan hore

 

u jirin.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay golaha wakiilada ayaa  u dhignaa  sidan:-
“Ujeeddo: Ansixin daabacaada Noodhadhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shillings,
Mudane Guddoomiye, waxa aan halkan idiinku soo lifaaqayaa qoraaalada ay summadohooda ka kala yihiin 179 iyo 190, kuna taariikhaysan 12/03/2011 iyo 19/03/2011, ee uu soo gudbiyay Guddoomiyaha Baanka Dhexe, kuwaas oo uu ku codsanayo in la ansixiyo daabacaada lacagta Somaliland ee noodhadhka cusub ee kun-ka iyo shanta kun ee Shillings (SL.SH.1000 iyo 5000).
Sidaa  darteed, amigoo tix-raacaya qodobka 54aad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan idinka codsanayaa in aad ka gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.
Allah Mahad Leh,
Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialand” ayaa lagu yidhi qoraalka madaxweynaha.
Dhinaca kale Qoraalka laguma sheegin  cadadka lacagta la d doonayo inay xukuumaddu soo daabacanay, balse waxa jira xogo shebekada wararka ee Araweelonews  heshay oo sheegaya inay lacagta xukuumadddu doonayso inay soo daabacato noqonay  qiyaastii 35Blyn ilaa 30Blyn, isla markaana noodhka lacagta ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalbatay  ayaa ah mid aan hore u jirin iyadoo lacagta Somaliland shanta boqol ugu saraysay500 S.Sh, balse ay meesha ka baxday shilinkii iyo oo dhagax ahaa iyo noodhkii  shanta shilling, tobanka iyo labaatankii oo aan waxba goyn, isla markaana ay mudooyinkii Xukuumadda cusub xilka la wareegtay ay soo baxday in lacagta noodhka ee shanta boqol yaraatay. Laakiin mudadii xukuumaddii  madaxweyne Rayaale ayaa lacagta somaliland tiraba laba jeer lasoo daabacay, taas oo aan la ogayn cadadkeeda, isla markaana aan waxba lagala socodsiin golaha wakiilada oo sharciyan ogolaansho looga heli lahaa.

Dalabka Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay xukuumaddiisu ku dalbato qorshe ay ku doonayso inay  lacag cusub kusoo  daabacato, isla markaana waxay noqonaynsaa xukuumaddahii soo maray tii ugu horaysay ee sidan oo kale u gudbisa golaha wakiilada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *