Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaan Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Soomaaliya, isla markaana ahaa wasiirkii gaashaandhiga  Cali Samatar aan  loo haysan reernimo, balse  la daba  qaaday oo la

 

doonayo in lagu  maxkamadeynayo dunuubtii taliskii uu madaxda ka ahaa ka galay shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Muj Muuse Biixi wuxuu jawaab ka bixiyay koox mudaharaad lagu diidan yahay dacwada eedaysane Cali Samatar kaga socota Dalka Maraykanka oo ay maalintii shalay ka sameeyeen  wadankaa  koox Soomaali ahi, wuxuuna naqdiyay  kooxdaa  oo uu  ku tilmaamay kuwo aan ujeedadooda  la fahmi Karin. Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Bogaadiyay dimuqraadiyada ka jirta dalka Maraykanka ee suurtogelisay in muwaadiniin reer Somaliland ahi ay Cali Samatar ku soo oogeen dacwad la xidhiidha xasuuq iyo dhagarihii uu galay taliskii uu ka midka ahaa.
“ Horta marka u horaysa waxaan u mahad naqayaa dawladda Maraykanka ah dimoqraadiyada iyo xoriyada Maxkamaddaheeda ka jirta ee suurto galisay dad dulmanayaal ah oo cid eed ka tirsaday inay tidhaahdo Garama oo waxaad ku eedaynaysaan ku cadaysta, taa dawlada Maraykanka waan ugu mahad naqayaa,”ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi oo ka mid ahaa saraakiishii milateri ee SNM, waqtigana ah guddoomiyaha xisbiga Kulmiye eek u guulaystay doorashadii madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2010.
Guddoomiyaha Kulmiye oo maanta u waramnayay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da. Waxa uu  yidhi,  “Waxa kale oo aan cadaynayaa in dadka Soomaalida qayb la hayb sooco, oo loo xoog sheegto oo lagu tacadiyo waa khalad, waxaan ka soo hor jeedaa inaan nina lagu eedayn oo aan lagu dulmin reerkooda, waxaan aaminsan nahay wixii dambi ah ee dhacay inay noqoto qof ahaan. Tan Cali Samatar haddii aan u soo noqdo mudaharaadkii shalay ka dhacay maan fahmin, haddii uu u jeedo yaan cidna Maxkamad la gaynin oo Cali Samatar la eedaynin ilayn cidi wali may odhan waa dambiile, oo Maxkamadi wali may dhicine waa khalad, haddii ay ahayd Cali Samatar reernimo ayaa loo eryanayaa kaligii waa khalade’e in kalidii la eryado ma aha. Cali Samatar iyo cidii dawlada kula jirtay darajo kasta ha lahaado qof wal oo dambi galay waa in eediisii la daba qaadaa baan ka taagan nahay.”
“Hadaan Cali Samatar shakhsi ahaan  aan usoo noqdo, waa ninka ugu darajada weynaa dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee balaayadii Soomaali ka dhacdayna intii ay talada hayeen xoogeedu bilaabantay, waxa kow ka ahaa dilkii Salaad Gabayle iyo Caynaanshe ee golaha dhexe ahaa, waxa ku xigay Culimadii la laayey oo colaadii baa ku si korodhay, waxa ku xigay Ciro iyo tobankii sarkaal ee Inqilaab bay sameeyeen lagu dilay, waxa ku xigay saraakiishii markii laga soo noqaday dagaalkii 77-kii Hargeysa lagu laayey Cashuur ka midka yahay, waxa ka mid ahaa Dharkeyn-geeyo C/llaahi Xaaji Siciid oo bilaa Maxkamada lagu toogtay, wasaaradii gaashaandhiga oo qudha inta kasoo dhacday, Cali Samatar ninkii ugu sareeyay ahaa in eedeedii la weydiiyo sow maaha,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo maanta u waramnayay laanta Agfsoomaaliga ee BBC-da.
Wuxuuna  ku dooday inaanayn jirin wax beelnimo ah oo lagu dabo socdo Cali Samatar, wuxuuna tusaale usoo qaatay saraakiil ay Cali Samatar isku beel yihiin oo taliskii Siyaad Barre ka mid ahaa, kuwaas oo uu  ammaan usoo jeediyay, isagoo  yidhi , “Cali Samatar inaan qof ahaan lagu eryanayn waxaan kuugu xaqiijinayaa saraakiishii la haybta ahaa ee uu Salxaan ka mid yahay ee Xayd ka mid yahay ixtiraam iyo mahad naq baa loo hayaa sidii ay dadka ula macaamilayeen oo dhibaato ay gaysteen cidi uma haysato, markaa anigu waxaan qabaa in qof ahaan loo eedayanayo Cali Samatar oo qudhana aan la eedayn ee Rajiimkii oo dhan la daba qaado eeda.” Ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *