Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa beeniyay warar  sheegaya  inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya  Hoggaanka xisbigaa. Sidaana  waxa lagu sheegay qoraal uu maanta soo saaray xisbigu, kaas oo uu  ku caddeeyeen in aanay waxba ka jirin.

Qoraal  saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga UCID  oo uu ku saxeexnaa  Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Muuse X. Muxumed Guulleed (Muuse Inji) waxa uu u dhignaa sidan:-
“Shir ay isugu yimaadeen Guddida Fulina Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) maanta oo ay taariikhdu tahay 26/03/2011 waxay soo saareen warsaxaafadeedkan soo socda. Annagoo tixraacayna war lagu qoray wargeyska Haatuf cadadkiisa 2621 soona baxay 25/03/2011 cinwaankiisuna ahaa khilaaf ka dhex oogan hogaamiyaasha Xisbiga UCID waxaan cadeynaynaa in aan wax khilaaf ihi ka dhexjirin Xisbiga UCID. Maalinta uu wargeysku ka hadlayana Xisbiga Guddigiisa fulinta ayaa shir lahaa oo ka hadlayey ajendayaal uu ka mid ahaa qabashadii shirka G/Dhexe iyo Shirweynahii oo hore u qorsheysnaa in u dhaco bisha August 2011, haseyeeshee ku soo begmay bil Ramadan ah. sidaa daraadeedna la isla qaatay in bisha july 25-keeda la qabto shirkii Golaha dhexe waxa kale oo la isla qaatay in Guddiga fulintu cayintu maalinta shirweynaha la qaban doono. Xisbiga UCID waxa u leeyahay xeer qeexaya in cidkasta oo ka tirsan Xisbiga xaq ay u leedahay inuu u tartamo hogaaminta Xisbiga iyo Musharamnimada Jagada Madaxweynaha. Arrintaasna Xisbigu wuu isku waafaqsanyahay. iIaa imika Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi iyo Mudane Adan Maxamed mire Waqaf ayaa cadeeyey inay musharaxiin u yihiin Gudoomiyanimada Xisbiga .Waxaana la filayaa in qaar kalena isa soo sharaxaan. Xisbiguna uma arko mushkilad oo waxa xaq u siiyey xeerka. Sidaa daraadeed warkan wargeyska Haatuf qoray ma garanayno meel uu ka keenay waxaan weeyi war aan sal iyo raadtoona lahayn.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xisbiga UCID.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *