Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inaanu khusaynin shir la sheegay in Kooxaha Soomaaliya loogu qabanayo magalaada Nairobi ee dalka Kenya. Laakiin taa bedelkeeda ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay soo dhawaynayso tallaabo kasta oo lagu heshiisiinayo kooxaha dalka

qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland.
Qoraalka  wasaaradda arrimaha debeda Somaliland ayaa u dhignaa  sidan:-

“Sida ku cad war-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shir-doceed ay Madaxda wadamada IGAD ku yeesheen madashii uu ka socday shirkii madaxda Midowga Afrika ee dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa muuqata in waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay ka welwelsan yihiin wixii laga yeeli lahaa maamulka Soomaliya ee TFG da oo wakhtigiisii dhammaad ku dhawyahay. Xukuumadda somaliland waxay taageersan tahay dadaalka ay bulshada caalamku ugu jirto sidii nabadda iyo ammaanka loogu soo celin lahaa Soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay saamayn ku leedahay nabadgalyada Somaliland iyo wadamada kale ee gobolka ku yaalaba.

Haseyeeshee shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya ee lagu wada-hadashiinaayo kooxaha Siyaasadda ee Soomaliya ama layskugu dayayo in xukkun wadaag ah loogu dhiso ma aha arrin khusaysa Jamhuuriyadda Somaliland ee waa wax ku kooban Soomaliya.

Soomaliland waa qaran badaxbanaan oo lagu hogaamiyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan habka dimuqraadiyadda  doorashooyinka tooska ah iyo xisbiyada badan, oo dunida ka sugaya aqoonsi siyaasadeed.”

Dhinaca kale warar la xidhiidha qorshaha arrimaha Somalia ee beesha caalamka ayaa tibaaxaya inay muuqato kala qaybsanaan ay dawladaha ka arrimiya arrinta Somalia isku khilaafsan yihiin sida laga yeelayo, ama loo waajahayo xaalada ka hor inta aanay  dhamaan mudada dawladda taagta daran ee Somalia. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *