Djibouti (ANN) Badhasaabkii hore ee Hargeysa  ee xukuumaddii Madaxweyne Rayaale,   Cali Xasan Maxamuud (Cali-Asad),  ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaal caasimada dalka Djibouti. Sidaana waxa Araweelonews u xaqiijiyay
qaar ka mid ah ehelada marxuumka. Marxuum Cali Asad  ayaa  halkaa u tegey todobaadyadii u danbeeyay xaalad caafimaaad. Marxuumka ayaa aad looga yaqaanay inta baddan Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii Marxuum Cigaal iyo xukuumaddii u danbaysay ee Daahir Rayaale oo markii ugu danbaysay uu ahaa badhasaabka hargeysa. Ka hor intii aan xukuumaddaa lagaga adkaan doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee 26 jun 2010.  Marxuumka, ayaa laba todobaad ka hor loo qaaday dalka Djibouti, ka dib markii xannuun kedis ah oo dhinaca wadnaha ahi ku soo booday, kaasoo aakhirii sababay geeridiisa.

Maamulka iyo hawlwadeenada shebekadda Araweelonews waxay tacsi u dirayaan ehlada Marxuumka geeriyoodey asxaabtiisa, waxayna illaahay uga baryayaan inuu naxariistii jannada ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *