Muqdisho(ANN) Beesha Caalamka ayaa ku kala qaybsan mudada gabaabsiga ah ee dawladda Somalia iyo waxa laga yeelayo, isla markaana Baarlamaanka dawladda taagta daran ee Somalia ayaa dhabar jebiyay qorshe la doonayay in shir laysugu keeno dhowaan kooxaha Somalia dalka Kenya

 

ka hor inta aanay dhamaan mudada xilkoodu. Kadib markii ay shalay fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho mudo saddex sannadood ah ku kordhisteen.

Talaabada ay qaadeen Baarlamaanka Somalia waxa ka cadhooday oo durba jawaab kulul ka bixiyay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Maraykanku  Jawaabta uu  kasoo saaray ku tilmaamay talaabada baarlamaanka mid aan u daneyneyn dadka Soomaaliyeed,  isla markaana dib u dhac ku ah sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa dowlad wax ku ool ah oo kalsooni qaanuun haysata.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu ku tilmaamay Baarlamaanka Somalia  inuu ku guul darreystay in uu Soomaaliya ka saaro 20 sano oo colaad ah.Taas oo ah hawshii muhiimka ahayd ee shirkii Djibouti isaga u xil saaray.

Sidaa awgeed wuxuu maraykanku ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in uu dib uga fiirsado go’aankan, isla markaana uu si deg deg ah wada xaajood ula galo gobolka, Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qarama Midoobay iyo xubnaha beesha caalamka ee aadka u taageera dawladda taagta daran.

Dhinaca kale Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Dr. Mahiga, ayaa isaguna hadal uu ka soo saaray go’aanka baarlamaanka wuxuu ku tilmaamay go’aan lagu deg degay oo laga xumaado. Wuxuu xusay  inuu wada  xaajood ku saabsan wax dhici doona xilligan kala guurka, lala billaabay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisal Wasaaraha, balse  aan la sii daba gelin.

Dr. Mahiga, wuxuu sheegay in ii maanta kulan la yeeshay Midowga Afrika iyo IGAD si loo meel mariyo go’aanka shir madaxeedka IGAD ee Addis Ababa ee 31kii January. Waxaan isku af garannay ayuu yidhi  in aan si wadajir ah ula kulanno madxda hey’addaha ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo aanu kala hadalno sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa iyada oo deggenaasho iyo isbeddel la sameynayo, isagoo xusay wuxuu ku tilmaamay in ay mudan yihiin isla markaana filanayaan in isbeedel dhaco dadka Soomaaliyeed.

Dr. Maihga  waxa uu sheegay inay Hay’addaha KMG-ka ah saaran tahay mas’uuliyadda ah inay wadaxaajood iyo wada tashi ay arrintaa kala galaan dhinacyada waaweyn ee matala dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha ugu muhiimsan beesha caalamka.

Dhinaca kale waxa soo baxaya kala qaybsanaan dhinaca beesha caalamka ah, taas oo ku saabsan waxa laga yeelayo marka ay dhamaato mudada dawladda ku meelgaadhka ah ee Somalia Waqtiga Baarlamaanka hadda jira wuxuu ku eg yahay bisha August ee sanadkan 2011, sida uu dhigaayo heshiiskii lagu soo dhisay Dowladda, balse qaar ka mid ah dawladaha daneeya arrimaha Somalia oo maraykanku hormood u yahay  iyo qaramada midoobay ayaa doonayay in shir dib u heshiisiin ah loo qabto kooxaha Somalia, kaas oo ay u qorsheeyeen inuu ka dhaco Nairobi. Ka hor inta aan la gaadhin August 2011. Laakiin waxa jira qorshe kale oo kaa ku lid ah oo ay wataan Talyaaniga iyo dawlado kale oo ku doonayaan in aan wax shir ah la qaban ee loo kordhiyo mudada dawladda hada ee taagta daran, kuwaas oo durba dabada ka riixay talaabada Baarlamaanku ku kordhistay mudada xilka saddex sannadood.

Laakiin dawladda Maraykanka oo wadata Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in shir laysugu yimaado dhamaan kooxaha Somalia. shirkaa oo ay doonayaan inay kasoo baxaan qorshayaal iyo dawlad cusub oo mar kale debeda laga keeno Somalia. qorshaha cusub ee Maraykanka iyo dadka musharixiinta ee loo wado Somalia kala soco shebekada Araweelonews saacadaha soo socda.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *