qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland.
Qoraalka wasaaradda arrimaha debeda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-
“Sida ku cad war-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shir-doceed ay Madaxda wadamada IGAD ku yeesheen madashii uu ka socday shirkii madaxda Midowga Afrika ee dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa muuqata in waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay ka welwelsan yihiin wixii laga yeeli lahaa maamulka Soomaliya ee TFG da oo wakhtigiisii dhammaad ku dhawyahay. Xukuumadda somaliland waxay taageersan tahay dadaalka ay bulshada caalamku ugu jirto sidii nabadda iyo ammaanka loogu soo celin lahaa Soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay saamayn ku leedahay nabadgalyada Somaliland iyo wadamada kale ee gobolka ku yaalaba.
Haseyeeshee shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya ee lagu wada-hadashiinaayo kooxaha Siyaasadda ee Soomaliya ama layskugu dayayo in xukkun wadaag ah loogu dhiso ma aha arrin khusaysa Jamhuuriyadda Somaliland ee waa wax ku kooban Soomaliya.
Soomaliland waa qaran badaxbanaan oo lagu hogaamiyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan habka dimuqraadiyadda doorashooyinka tooska ah iyo xisbiyada badan, oo dunida ka sugaya aqoonsi siyaasadeed.”
Dhinaca kale warar la xidhiidha qorshaha arrimaha Somalia ee beesha caalamka ayaa tibaaxaya inay muuqato kala qaybsanaan ay dawladaha ka arrimiya arrinta Somalia isku khilaafsan yihiin sida laga yeelayo, ama loo waajahayo xaalada ka hor inta aanay dhamaan mudada dawladda taagta daran ee Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com