Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Salaadiinta Oo Kulan Siyaasadeed  Ku Faaqiday Arrimaha Somalia,  Go’aamada Laga Ansixiyay  Iyo Soo Jeedinta Codsigooda Xadhiga Boqor Buur-madaw Hargeysa(ANN)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo koox wasiiro ah oo ka mid ah golaha xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, ayaa maanta kulan balaadhan oo saacado qaatay kula yeeshay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku

 

dhowaad sideetan Madax-dhaqameedka Somaliland ah oo isugu jira Salaadiin iyo Boqoro.
Kulankaa oo saxaafadu debeda ka joogtay, ayaa nuxurkiisu ahaa mid ay xukuumadda Somaliland  ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo oo ay soo waajaheen duruufo siyaasadeed  kula eerratay madax-dhaqameedka  Somaliland,  kaas oo ay kaga waanisay  inay ka qayb-galaan  shirarka Soomaliya, gaar ahaan shirwaynaha lagu ansixinayo Dastuurka Soomaliya, iyadoo la rumaysanyahay inay jiraan qorshayaal dawladda Somalia oo taageero u raadinaysa dastuurkaa ay wado siyaasado ay ku wiiqay qaranimada Somaliland, isla markaana ku fashilinayso wada-hadaladii beesha caalamka ee shirkii London kasoo baxay.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, ayaa kulankaa ka  sheegay inuu ku faraxsan yahay in salaadiinta Somaliland inay mar kaliya meel isugu yimaadaan, isaga oo sidoo kalena ku waaniyey inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgalyada dalka oo ay door muhiim ah ku leeyihiin. Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu kulankan idiinku qabanay inaanay dhicin inaga oo qarankeenu qaan gaadhay In la ina fago oo dad inaga mid ahi intay tagaan shirarka ka socda Somaliya ay magaceena Somaliland sheegtaan ayaan idiinka digaynaa, waxaanan jecelnahay sidii aynu ku soo caano maalnay  inaynu nabad galyadeena wada ilaashano dhamaanteen”
Hase yeeshee Salaadiinta qaarkood oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxwayne ku xigeenka kula garnaqsaday in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay meesha ka saartay qodobkii dadka u diidayey inay ka qayb-galaan shirarka Soomaliya,sidaa awgeed  aanay xaq ugu lahayn inay dadka kaantaroosho, wixii ay iyadu jebisay.
Dhanka kale qaar ka mid ah Salaadiinta ayaa si adag ugala hadlay xukuumadda xadhiga Boqor  Cismaan Aw Muxumed Buur-Madow oo muddo laba bilood ku siman ku xidhan jeelka dhexe ee Hargeysa, waxayna Salaadiinta qaarkood ku doodeen inaan waxba suurto-galayn ilaa xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buur-madaw oo ay sheegeen inuu ku xidhanyahay cadaaladdaro.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo aanu kulankaa ka dib weydiinay, waxyaabaha kale ee lagaga hadlay, ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen  baaq ay Salaadiintu kaga dalbadeen xukuumadda in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buur-madaw, balse waxa uu sheegay inaanay soo jeedintaa baaqa ah jawaab deg deg ah ka bixin Xukuumaddu.
Geba-gebadii kulankaa ayaa xukuumaddu qorshayaashii ay wadatay oo ka kooban shan qodob ka anisixisay Salaadiintaa, kuwaas oo nuxur ahaan xanbaarsan inaan shirarka Somalia laga qaygeli karin, isla markaana wixii siyaasad ah loo daayo xukuumadda iyo maamulka, salaadiintuna ay xukuumadda kala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada iyo dhaqanka.
Qodobadaa ayaa nuxur ahaan u qornaa sidan:- 1)- Waxaanu wada hadalka labada dawladood ee Somaliland/Somalia u igmanay xukuumadda Somaliland, iyadoo aanay jirin cid kale oo meteli kartaana aanay jirin.
2)- In cidii ka qeyb gasha shir Soomaaliya ah oo ka dhan ah qaranimadda ay tahay qaran dumis, cidii ka qeyb gashaana aanay metelin Somaliland.
3)- In Xiligan aanay ogolayn in wax mudaharaad ah laga sameeyo dalka, wax kasta oo nabad-gelyada khal-khal ku abuurayana meel looga soo wada jeesto.
4)- In Xukuumadda Somaliland ay salaadiintu kala shaqayso adkaynta iyo nabadgelyadda, gacana ku siiyaan.
5)- In Gogoshii nabadda ee walaalaheena bariga aanu salaadiin ahaan qeybtayada ka qaadano, dadka walaalaha ahna aanu nabad dhex dhigno.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *