Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray xaflad loogu talagalay  dhismaha Terminal lagu sheegay inuu cusub yahay oo laga hirgeliyay dhowaan

 

Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa, balse hore u jiray  iyo dhismeyaal oo cusub oo lagu soo kordhiyay Madaarkaa.
Madaxweyne Ku xigeenka  waxa booqashadiisa Madaarka Hargeysa  ee uu xadhiga kaga jaray munaasibada Terminalka, wax  ku weheliyey,  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi, Wasiirradda Duulista Hawadda, Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyoTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.  Madaxweyne xigeenka iyo masuuliyiinta la socotay waxay  kormeer kusoo mareen xafiisyadda iyo qeybaha kala duwan ee Madaarka Hargeysa, kuwaas  oo lagu qalabeeyay kamarado iyo aalado kale oo casri ah, isla markaana  loogu tallo-galay adkaynta amniga madaarka  oo dawladda Britain ugu deeqday Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka  Maxamuud Xaashi Cabdi oo lagu tilmaamao wasiirka ugu beenta baddan xukuumadda Siilaanyo, isla markaana mudooyinkii u danbeeyay lagu tilmaamayay inuu faraha kula jiro musuq-maasuq baahsan oo la xidhiidha Mashaariicda Malaayinka dolar ah ee dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland, ayaa  ka hadlay munaasibada xadhiga lagaga jaray Terminal-ka cusub, wuxuuna  sharaxaad ka bixiyay dhismeyaasha cusub ee madaarka lagu soo kordhiyay, isagoo tilmaamay in madaarka Hargeysa la dhisay 1958-kii.
Wasiirka Duulista Muaxamuud Xaashi, wuxuu  ku faanay inay  markii u horeysay kusoo kordhiyeen  Madaarka Hargeysa goobaha rakaabka loogu adeego ee Terminal-ka loo yaqaano iyo xafiisyo cusub oo loogu tallo galay inay ku hawl-galaan hawl-wadeenadda laanta socdaalka iyo maaliyadda ee halkaasi ka shaqeeyaa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si weyn ugu riyaaqay indha sarcaadka uu sameeyay Wasiirka duulistu iyo waxyaabaha uu ku faanay, wuxuuna Madaxweyne xigeenku  sheegay in xukuumadda Somaliland ay wax badan ka qabtay  Madaarka Hargeysa, welina ay  diyaar u tahay wax kasta oo lagu soo kordhinayo, isagoo yidhi, “ Waa la arki karaa mudadii aanu joognay wax-qabadka aanu samaynay iyo adeegyadda aanu dadweynaha u qabanayno. Waxa wanaagsan in dadweynuhu arkaan wixii la qabtay oo ay muraayad aad u weyn ku eegaan,”
C/raxmaan Saylici, wuxuu amaanay Wasiirka Duulista, isagoo yidhi,  “Madaarka Hargeysa isbedelka xiligan ka muuqda waa wax aad iyo aad loogu farxo,  Waxaanan ku ammaanaynaa Wasiirka Duulista iyo hawl-wadeenaddiisa kala shaqeeyayba. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Ha’yadda UNDP oo 1 Km iyo 700m dhabada diyaaraha ku kordhinaysa madaarka.imika iyo wixii ka dambeeyaba cidii dhoofaysa iyo dadka soo degayaaba waxay madaarka ka helayaan adeeg raaxo ah.”
Wasiirka Duulista Hawada iyo Madaxweyne xigeenka, ayaa isugu markhaati furay in aanay  waxba  ku kordhin Madaarka xukuumaddihii ka horeeyay, iyadoo dhismaha uu sheegay Wasiirku inuu kordhiyay Madaarka uu ahaa mid hore u jiray, kaas oo waqtigii Xukuumaddii Marxuum Cigaal la dhisay, balse uu dhowaan dib u habayn ku sameeyay Wasiirku, iyadoo aanay jirin baahi loo qabay dib u habayntiisa, laakiin ujeedada keliya ee uu sidaa u sameeyay ahayd qaab khiyaamo ah oo  ka mid ah farsamooyinka cusub ee mashaariicda lagu lunsado lacagta ummada. Iyadoo madaarka keliya ee is bedel lagu sameeyay intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay uu yahay Madaarka Berbera, kaas oo wax baddan laga qabtay oo aan la dafiri karin waxyaabaha laga qabtay iyo sida dib u habaynta loogu sameeyay. 
Dhinaca kale labadii maalmood ee u danbeeyay waxay saxaafada  Somaliland qoraysay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo dhagax dhigayo Tirminalka cusub ee lagu kordhinayo Madaarka Hargeysa, balse waxay taasi meesha ka baxday markii Madaxweyne xigeenku yimi saaka Madaarka kaga  qaybgalay munaasibada Indha sarcaadka ah ee uu sameeyay Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi, isagoo Terminalka dhismaha uu sheegay inuu kusoo kordhiyay Madaarka oo hore u jiray, balse dib u habayn lagu sameeyay usoo de- dejiyay  si uu uga  hortago  oo indhaha bulshada uga jeediyo fadeexadahaa,  waxayna warar la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in sababta Madaxweynuhu u baaqday ay tahay markii ay soo baxeen fadeexado uu dhowaan faafiyay Nin hore ula shaqayn jiray wasaaradda Duulista Hawada  oo shaaciyay in Wasiirka Duulistu sameeyay musuq-maasuq baahsan oo lagu lunsaday mashruuca dawladda Kuwait ugu talo gashay in lagu dhiso Madarada Diyaaradaha ee Somaliland, sida Madaarka Berbera. Laakiin deeqda ay  bixisay dawlada Kuwait  sanadkii 2010 oo ahayd  lacag gaadhaysa 10 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, ayaa hada u muuqata mid siyaabo khaldan loo maamulay, iyadoo ay xoggaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in Madaarka Hargeysa lagu samaynayo oo keliya dayactir kooban, balse aanu jirin qorshe Tirminal cusub oo lagu kordhinayo madaarka sida ay hore u sheegtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *