Saraakiil Ka Socday Hay’adda Xuquuqda Aadamaha  Ee Human Rights Watch Oo Xabsiga Ku Booqday Boqor Buur-madawHargeysa(ANN) Saraakiil ka socday Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa maanta xabsiga ku booqday Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo mudo ku dhow laba bilood ku xidhan xabsiga. Kadib markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xabsiga

 

u taxaabay badhtamihii March 2012 , isagoo kasoo degey madaarka Hargeysa.
Sida ay sheegayaan warar la xidhiidha booqashada saraakiisha ka socday Hay’addaasi ku tageen xabsiga, waxay Boqor Buur-madaw ka waraysteen xaaladiisa caafimaad iyo waxyaabaha uu rumaysan yahay in loo haysto. Waxayna u muujiyeen sida ay uga xun yihiin xadhigiisa, maadaama ay beesha caalamku u aqoonsantahay hogaamiye dhaqan oo ah Nin nabadeed, isla markaana ay sidoo kale xadhigiisa kala hadleen Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay la kulmeen. Sidoo kalena ay wadaan sidii loo sii wadi lahaa cadaadiska caalamiga ah ee lagu hayo Madaxweyne Siilaanyo inuu xoriyadiisa usoo celiyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud.  Sidoo kalena ay danaynayaan inay goob joog ka noqdaan dhegeysiga dacwadaa oo la mudeeyay maalmaha soo socda.
Dhinaca kale saraakiishaa ayaa ka hor intii aanay Boqor Cismaan Aw Maxamuud  (Buur-madaw),  ku booqan xabsiga Hargeysa, waxay shalay la kulmeen Garyqaanada u doodaya, kuwaas oo sida ay wararku sheegayaan u sheegay saraakiisha Human Rights Watch  inay dhegeysigii  u horeeyay dacwada Boqor Cismaan kadib qaraar kasoo saartay Maxkamadu, kaas oo ay xeer Ilaalinta kaga dabay inay la noqoto eeddahaa  ay maxkamadda hor keeneen bilawgii dacwadaa oo aan waafaqsanayn qodobada ay xeer Ilaalintu u cuskatay,  isla markaana haddii ay hayaan eeddo waafaqsan dacwada  maxkamadda hor keeneen mudo  todobaad gudihiisa ah.
Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  bishii May, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addo caalami ah, Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshada, balse dhawaa qyadaa  ayaa noqday kuwo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *