Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saartay go’aan lagu  dhaqan gelinayo  daabacaadda lacagta cusub ee noodhka kunka shilin iyo shanta kun ee shilin oo ay dhowaan dalbatay, taas oo

 

Golaha Wakiilada Somaliland meel mariyay ogolaansheheeda  todobaadkii hore.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo  u dhignaa sidan:-
“Madaweynaha  Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-gelinaayo Daabacaada Noodhka Shilinka Somaliland kana Bilaamanta Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Markuu Arkay:                          Qodobka 54aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:                          Qoraalada codsiga ah ee Gudoomiyaha Baanka Dhexe,
Markuu Helay:                           Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-14/513/2011, ee Ansixinta Daabacaada Noodhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-galka Daabacaada Noodhka  Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
waxa uu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-gelinaayo Daabacaada
Noodadka Shilinka Somaliland kana Bilaamanta Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *