Berbera(ANN)Ciidanka Bileyska Somaliland ee magaalada Berbera ayaa gacanta ku dhigay todobaadkii hore Harimcado la doonayay in si tuugo ah  looga  tahriibiyo Madaarka Berbera, kuwaas oo la doonayay in  la saaro diyaarad tegaysay dhinaca magaalada Dubai ee dalka

Isu-taga Imaaraadka Carabta.
Hase yeeshee sida ay  dad goob-joog ahi u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews ciidanka Bilayska ee Madaarka Berbera ayaa ka hor intaan Harimcadka la saarin Diyaarada gacanta ku dhigay xayawaankaa  iyo koox carbeed oo wadatay. sidoo kale waxay ciidanka bilaysku  qabteen gadhwadeenkii kooxda Carbeed oo ahaa Nin u dhashay Somaliland. Harimcadkaa  oo tiradooda lagu sheegay saddex ilaa laba  ayaa waxa sitay niman dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo qorshahoodu ahaa inay u qaataan  dalkooda, balse markii la qabtay kooxdaa ayaa lasii daayay saacado ka dib, iyadoo laga reebay harimcadadii ay siteen oo dhinaca magaalada hargeysa loo soo qaaday, iyadoo lagu wareejiyay wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyio deegaanka.
Gadhwadeenkii kooxdaa carbeed ee duurjoogta Somaliland doonaysay inay si tuugo ah uga tahriibyiyaan dalka oo ah nin kasoo jeeda deegaanka Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay, kaas oo la sii daayay markii danbe. Bootaan Laangadhe oo  lagu tiriyo mukhalisiinta ku caanbaxay tahriibta iyo kootarabaanka, isla markaana xidhiidh dhow la leh Maareeyaha dekedda Berbera ayaa sannadkii hore lagu eedeeyay falal ciidanka amaanka Somaliland ee Berbera fashiliyeen oo hub iyo waxyaabaha qarxa oo lala xidhiidhiyay inuu abaan ka ahaa koox doonaysay inay Somaliland hawlgal ka fuliyaan, balse  lagu qabtay  magaalada Berbera. Ka hor intii aanay fulin qorshohoodii.
Dhinaca kale Libaaxyo dhallaal ah (Cago-Baruur) oo markab lagaga tahriibiyey dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, halkaas oo uu taraansit ku sii ahaa markabka lagu tahriibanayey dhalllaalka  libaaxyada ah oo ku sii jeeday dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Maamulka dekedda magaalada Muqdisho ayaa Libaaxyadaa  oo ka koobnaa gool iyo aar, isla markaana  lagu qiyaasay inay jireen  saddex bilood oo keliya, gacanta ku dhigay ka hor intii aanu ka  shiraacan Markabka lagu tahriibinayey dekedda Muqdisho. Sidaana waxa  lagu sheegay war ay qortay wakaaladda wararka ee AP,  labada cago-baruur ahaayeen kuwo walaalo ah oo la rumaysan yahay inay yihiin libaaxyada noocoogu sii dabar-go’ayo ee loo yaqaan Berbera lions oo markabkaas lagaga soo tahriibiyay Dekedda Berbera.
Labadaa dhal  ee libaaxyada ah oo  markii afar toddobaad ka hor maamulaha dekedda Muqdisho ku wargeliyay hay’ad magaceeda la yidhaahdo Bancroft oo tababar siisa ciidamada Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga Muqdisho, inuu ka shakisan yahay in xayawaankani yihiin kuwo la tahriibinayo si loo rabaayadaysto.
Sidaa awgeed  Libaaxyadaa  oo ay hadda gacanta ku hayaan shaqaalaha hay’adda Bancroft oo iyadu leh adeeg ku haboon xanaanaynta xayawaanka maadaama ay gacanta ku hayso Ey loo tababaray helitaanka Miinooyinka, ayaa la rumaysan yahay dadka tahriibinayay  inay geynayeen dhinaca magaalada Dubai, isla markaana ay dadka hawshan ku jiraa marar baddan ku guulaysteen.
“Maaha markii ugu horeysay ee xayawaan noocan oo kale ahi gacanta u galaan dadka tahriibiya xayawaanka, balse waa markii ugu horeysay ee la kashifo tahriib noocan oo kale ah” sidaa waxa yidhi Richard Bailey oo u shaqeeya urur ka hawl-gala Muqdisho oo la yidhaahdo Albany, kaas oo heshiis tababar xidhiidhka dadweynaha ah kula jira ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Muqdisho.
Mike Stock oo ah madaxa hay’adda Bancroft ee hadda gacanta ku haysa dhallaalka  libaaxyada ee Somaliland laga tahriibiyey ayaa ka hadlay qorshaha ay ugu talo-galeen labadan caga-baruur, wuxuuna  yidhi,  “Qorshuhu wuxuu yahay in (Madaxweynaha Somalia) Sheekh shariif uu siin doono labadan  libaax  (Madaxweynaha Uganda) Museveni, ilaa inta ay Somalia awoodi doonto inay dib u soo ceshato.”
Labada Libaax ee loo tahriibinayay dhinaca dalka Imaraat-ka carabta, balse u gacan galay maamulka Muqdisho iyo Sheekh Shariif   ayaa tibaaxo laga helay hawlwadeenada Dekedda Berbera sheegayaan  in Markabka lagu qabtay ee  siday laga saaray dekedda Berbera, kadib markii ay diideen shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyadoodu tagaan dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana laysku mari waayay qiimihii lagu qaadayo, taas oo keentay in Markabka safarka dheer gelaya eek u leexanaya Muqdsiho la saaro.
Maaha markii u horeysay ee libaaxyo dalka laga tahriibinayo la qabto, balse marar badan ayaa sidan oo kale loogu qabtay libaaxyo iyo noocyo kale oo ka mid ah ugaadha iyo xayawaanka duur-joogta ah oo laga dhoofinayo dekedaha Saylac, Lughaya iyo dekedda Berbera iyo sidoo kale  madaarada dalka, waxayna arrimahani iftiiminayaan fadeexado kooxo masuuliyiinta maamula Marsooyinka iyo madaarada dalku inay qayb ka yihiin kooxaha ugaasatada tahriibta iyo kootarabaanka xayawaanka iyo ugaadha Somaliland oo dhaqdhaqaaqooda arrimahaasi sii xoogaysanyo, isla markaana dhacdooyinka u danbeeyay ayaa muujinaya sida ay suurta gal u tahay inay dekedda iyo Madaarka Beriberi  noqdaan marinka ganacsiga xayawaanka Iyo Ugaadha oo laga tahriibiyo, sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo inay baadhitaan ku samayso kooxaha khayraadka dhulka, xayawaanka duurjoogta iyo ugaadha doonaya inay dalka ka rartaan, iyagoo weliba doonaya inay mariyaan marsadii ugu weynayd dalka iyo madaarkii ugu caalami sanaa. 

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *