Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray ogolaansho u siiyay shirkadaha Dahabshiil iyoTelesom hirgelinta wershad sibidh oo labaad inay ka dhisaan magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo xaqiijinaya jiritaanka ogolaanshaha Madaxweyne Siilaanyo  ku siiyay labadaa shirakadood inay dhisaan wershed sibidh. Laakiin sida lagu baahiyay shebekada wararka ee berbera News Madaxweyne Silaanyo  ayaa soo saaray digreeto uu fasax ku siiyay shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom inay maalgeliyaan dhismaha wershad sibidh oo labaad oo aan ahayn tii hore , sidoo kale wuxuu qoraal wargelin ah u diray ganacsatadii uu Madaxweynihii hore ruqsada u siiyay kicinta wershadii hore oo uu ku wargeliyay Madaxweyne Silaanyo inay kiciyaan wershaddii hore oo ah hanti qaran, waxaannuu Madaxweynuhu qoraalkiisa ku xusay in la qiimeyn doono inta maanta ka taagan wershadii hore oo xukuumaddu saami kula wadaagi doonto ganacsatada ku hawlan kicinteeda.

Sidaana waxa lagu baahiyay  shebekadda Berberanews oo soo xiganaysay mid ka mid ah ganacstadaa madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale siiyay, wuxuuna   ganacsadahaa oo magaciisu yahay  Nuur Cabdillaahi Beegsi (Cawl) khadka telefoonka ugu xaqiijiyay  Berbera News in isaga iyo ganacsato kale  Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin u ogolaaday inay maalgeliyaan oo kiciyaan wershadii hore ee sibidhka Berbera.

Mr. Beegsi oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Way jirtaa inuu Madaxweynuhu digreetooyin soo saaray uu ugu ogolaanayo wershaddii  sibdidhka ee  Berbera in la kiciyo, taas oo uu digreeto ku siiyay labada shirkadood ee Dahabshiil iyo TELESOM, arrintaasina mid aanu aqbalayno oo suurtagal maaha.   Madaxweynaha safarkii uu Berbera ku yimi, ka dib ayuu shirkadayada  uu Madaxweynihii hore ogolaanshaha ka haysatay ku soo daray  labadan shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil, isagoo aqbalay ogolaanshihii aanu hore u haysanay,taasoo aanu ka aqbalay, arrintii halkaa taagnayd, ayaa waxa fajac nagu noqotay in Madaxweynuhu soo saaro wareegtooyinkan isagoo wershad gaara u ogolaaday labadan shirkadood ee uu hore noo mideeyay, taasina wax soconaya maaha, aqbalinna mayno, annaguna shir deg deg ah ayaanu isugu imanaynaa, waana arrin aanan aqbalayn.

wixii intaa dheerna shirkayaga ka dib, ayaanu soo saari doonaa, mana jecli intaa wax ka badan inaan ka hor dhaco.” sidaa waxa yidhi Nuur Cabdillaahi oo  u waramayay shebekada Berbera news, wuxuuna  gaashaanka ku dhuftay go’aanka Madaxweynuhu ogolaanshaha ku siiyay shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom inay wershadda sibidhka kiciyaan.

Dhinaca kale Wersheda sibidhka ee Berbera oo in ka baddan labaatan sannadood fadhiday waxa marar baddan soo baxday in la kicinayo, iyadoo  xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ee laga adkaaday doorashadii madaxtooyada Somaliland tiraba dhawr jeer balanqaaday in la kicinayo, balse markii ay soo xidhmeen sheekooyinkaasi waxa soo baxday xiligii kaanbeynka doorashada madaxtooyada eek al hore in la siiyay koox ganacsato ah, kuwaas oo xiligaa la hadalhayay inay kicinayaan, isla markaana sameeyay boodhadh lagu sheegayo in dhowaan la kicinayo, balse boodhadhkaa ayaa iyana noqday kuwo aan waxba ka socon oo ku koobnaa oo keliya xiligii kaanbeynka. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *