bre1Muqdisho(Araweelo News Network) Kulan xaasaasi ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu faaqiday xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Arrimaha amaanka oo sii xumaanayay mudooyinkii u daneeyay. Kadib markii dilalka

shirqoolada lagu ugaashanaya saraakiisha dawlada iyo suxufiyiinta sii bateen.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooamaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  oo gudoominayay kulankaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xubnaha golihiisa wasiiradda ku canaantay xaaladda amaanka, iyadoo  Seddexdii Maalmood ee u dambeyeey wadooyinka magaalada ee caasimadu xidhnaayeen.

 

Doodo la xidhiidha waxyaaabaha lagu faaqiday kulankaa kulankaa oo qodobka ugu weyni ahaa arrimaha amaanka waxa laysla qaatay in is bedel lagu sameeyo Masuuliyiinta Hay’addaha Amaanka iyo wardoonka Nabadsugida oo bilihii lasoo dhaafay uu iska casilay Agaasimhii hore ee Hay’adda nabadsugida Somalia.

Gebegebadii kulankaa waxa shirka Golaha wasiiradda Xuykuumadda Federaalka ee Somalia kasoo baxay  in lagu Magacaabay Taliyaasha Ciidanka Buliiska iyo Nabad Sugida Qaranka, kuwaas oo aan si rasmi ah loo shaacin magacayadooda.

Balse xoggo shebekadda wararka Arraweelo.com heshay ayaa sheegaya  in Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka loo magcaay Bashiir Maxamed Goobe  oo ah nin dhinaca Sports Ciyaraha shaqadiisu ahayd, isla markaana ahaan jiray  ku xiggeenkii Faarax wahliye Caddoow Siindiko.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia ayaa loo magcaabay Nin lagu magcaabo Jeneraal Saacid, iyadoo xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee Booliska Somalia  Shariif Sheekunaa Maye.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *