-
Published On: Fri, May 3rd, 2013

Goormaynu Ka Gudbaynaa Hebel Ha U Jawaabo Hebel? Faallada Wargeyska Hubaal

Smiley face
Share This
Tags

Xukuumadihii u kala dembeeyey hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland, marka laga reebo Cahdiyadii Marxuum ee Cabdiraxmaan Axmad Cali [1991 – 1993kii] iyo Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal [1993 – 2002], ayaa labadii Xukuumaddood ee

ka dembeeyey oo mid tahay ta hadda haysa hoggaanka dalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmad Maxamad Siilaanyo, iyo tii  Daahir Rayaale ee xilka wareejisay 27kii July 2010kii , ayaa waxa ay ku dhaqmaan siyaasado aragti gaaban oo kala fogeyn, Nac iyo Naxli ummadda ku kala dhex ridaysa, qarankana aan waxtar u lahayn,  taasoo ah in Siyaasi iyo muwaadin kasta oo fikirkiisa usoo bandhiga Ummadda, laga horgeeyo ama U jawaab la yidhaa mid kale oo ay isku beel kasoo wada jeedaan. Dadka noocaas ah ee heeganka u ah u jawaabida shakhsi aragti soo bandhiga ama siyaasi  ka hadlaya wax uu xaq u leeyahay ayaa waxa ay u qeybsamaan inta badan Saddex nooc oo kala ah;

 

1-        Is Muujin: Waa Mid doonaya inuu is muujiyo si uu u ilaasho mansab aanu u qalmin oo lagu tiiriyey

 

2-       Dhuuni-raac: Waa Mid Mashruucan Weji-ku-macaashka ahi ku kellifay Dhuuni-raacnimo iyo inuu waxoogaa faro guudkood ah lagu siiyo.

 

3-       Xil-doon: ka saddexaad oo isna xil ku doon ah oo had iyo goor heegan u ah inuu ka difaaco xaq iyo xaq darraba wax allaale wixii talo, aragti ama dhaliil ah ee laga sheego ama loo soo bandhigo Xukuumadda markaa jirta.

 

Dadkan saddexda nooc ku sifoobay, waxa ay ummaddu u taqaanaa Nacmlayaal ama wixii la odhan jiray Guul-wadayn ee uu caanka ku ahaa Xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka Somaaliyeed, dhammaantoodna waxa ay u badan yihiin kuwa aan si kale ku jiri Karin.

 

Dhaqankaasi waxa uu kow ka yahay waxyaabaha kala fogeeya shacbiga iyo Xukuumadda ay xilka u dhiibteen, si kale haddii aan u dhigno-na waxa ay horsed ka yihiin kala furfurka midnimada iyo wada jirka Ummadda, waayo Nacamlayaashu waxa ay had iyo goor cambarayn iyo difaac kala hor yimaadaan wax jira oo u baahan in la saxo, wax laga beddelo amase lagama maarmaan ay tahay in laga wada tashado, sida tii hadda u dembeysay ee uu soo qaddimay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo soo qabtay hawlo Dawladdu lahayd, balse ay ka gaabiyeen oo ka dhashay doorashooyinkii, gaar ahaanna labada beellood ee deriska ah ee wada degga cidhifka galbeed ee Somaliland.

 

Haddaba, waxa qormada qoraalkani ka dhalatay, qalinkuna khadka fasaxay, markii uu Guddoomiye Feysal Cali Waraabe soo jeediyey, in maanta marxaladda uu dalku marayo loo baahan yahay, in laga yeesho wada tashi Qaran oo ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee uu ku dhisan yahay Dastuurkeenu, sida ku xardhan Qoddobka 9aad ee dastuurka JSL, Farqadiisa 1aad oo qeexaya : Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

 

Bal maxaa ku jaban haddii la wada tashado oo waxyaalo badan laysla meel dhigo oo wax laysku wada ogyahay min bari illaa galbeed ay reer Somaliland wax cad iskaga ogaadeen. Marxalada Qoddobkaasi tilmaamayo waxa tusaale u ah oo hadda kow ka ah wada hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kale oo U baahan in laga wada tashado Dastuurka Laftiisa oo siduu Eng. Feysal-ba sheegay u baahan qayo-tir.

 

Qalinku, Ma aaminsana aragtida ah, in Madaxweyne Axmad Maxamad Siilaanyo uu beyr ka qabo talooyinka qaar, gaar ahaan kuwa ku lug leh sii adkeynta dhismaha Qaranimada ee Jamhuuriyadda Somaliland . Haseyeeshee, ay jiraan qaar ka tirsan xukuumaddiisa oo takhasuska Shahaadada Sare ku qaatay; si xun wax u fasirka, wanjalka iyo qaddinka jawaabo aanay qaarkood shaqo ku lahayn.

 

Bil-amara kuwan dembe ee u darban Difaaca Indho-la’aanta ahi waxa ay la mid yihiin baa la odhan kara Mas’uuliyiintii UDUB ugu Sarraysay ee Xilligii Natiijadii doorashadii Madaxtooyada la sugayay Idaacadda kaga dhawaaqay qaadacaada ee uu haddana Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin saacado gudahood beeninta ka daba keenay.

 

Xubnahaas oo haddii aynu xusuusta dib u celino ahaa Jaamac Yaasiin Faarax (Jug-soo-dhacay), Xoghayihii guud ee hore ee UDUB iyo Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) oo UDUB u Qaabilsanaa Ololaha Madaxtooyada ayaa Xilli ummaddu isha ku haysay komishanka oo natiijada laga sugayay waxa ay  Idaacadda kaga dhawaaqeen, in aanu Xisbiga UDUB aqbalayn natiijad Doorashadii Madaxtooyada, warkaasi waxa uu welwel ku abuuray Shacbiga, hase yeeshee waxa waranka ka gooyay oo ka daba hadlay Mr. Riyaale isaga oo caddeeyey inaanu hadalka Masuuliyiintaas kula socon.

 

Haddaba, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda KULMIYE oo aan filayo inay si beeleysan isu muujinayaan ayaa dhawaan Jawaab kala hor yimi hadalkii kasoo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe, kadib markuu Dalka Itoobiya kulamo kula soo yeeshay Ugaaska Beesha Ciise iyo Ganddihiisa iyo Madax dhaqameedka Samaroonba, una soo bandhigay Ummadda in wada tashi loo baahan yahay oo ah mid uu xaq u leeyahay oo uu banneeyo Dastuurka oo Madaxweyne Axmad Siilaanyo-na in badan ku dhaliili jiray Xukuumaddii Rayaale wada tashi la’aanta, inay maanta iyana yidhaahdaan Dastuurkaa taa meel dhigay iyo hadallo kale , iyagoon xataa weydiin waxa uu Guddoomiye Feysal uga jeeddo [Wada tashi Qaran].

 

Ta kale , maxaa sas looga qaadaa ee loogu xidhxidhaa ama loogu aflagaadeeyaa, waxyaabaha ay muwaadiniinta iyo siyaasiyiintuba xaqa Dastuuriga u leeyihiin ee ay ka mid yihiin inay aragtiyahooda si xor ah u dhiibtaan, shirar qabsan karaan, isla markaana isugu soo bixi karaan bannaanbaxyo nabadgalyo oo ay ku cabbirayaan dareenkooda. Ta labaad, miyaanay muwaadiniintu ahayn awoodda ugu sarreysa ee beddeli kara ciddii ay xilka u igmadeen haddii uu la ambado ama gudan kari waayo waajibaadkii uu xil saarnaa? Waxa aan Wasiirrada iyo inta kaleba leeyahay, cidna afduub iyo khiyaamo laguma hoggaamin karo, xilkana intii Allaha weyni idiin qoray ayaad joogaysaan ee ku taliya oo ka taliya oo taageera wixiii wanaagsan , wixii qalloocana u toosiya si habboon , maadaama aad idinku mas’uuliyiintii xilku saarnaa tihiin. .

 

Xigasho: Wargeyska Hubaal, Cadadkiisii Maanta oo Jimce ah

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>