London(Araweelo News Network) Duqii hore ee magaalada London ee cariga Ingiriiska Mr. Ken Livingstone ayaa eedayn kulul u jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka G. W. Bush, isagoo ku tilmaamay  cunsuri reer galbeedka shar u sameeyay.

 

Mr. Ken oo wareysi siiyaya Telefeshinak PressTV ayaa sheegay in weeraradii dhiigga badan ku daatay ee bishan gudaheeda ka dhacay magaalada Bostan ay ka dhasheen siyaasadihii qalafsanaa ee Bush isticmaalay, sidaa awgeed uu masuul ka yahay falalka iyo weerarada noocaa ah.
“Qaraxyada Boston waxaa mas’uul ka ah G. W. Bush,  sababtoo ah si qalafsan ayuu ula dhaqmay dadka wax weeraraya ee muslimiinta ah, siyaasadda go’doominta iyo goodiska ku dhisan wax ma hagaajiso ee waxbay kharibtaa”ayuu yidhi Ken Livingstone.

Duqii hore ee London Ken Livingstone ayaa dawlada Mareykanka ku eedeeyay in ay dadka iska xidhaan, iyadoo  aan wax dambi ah lagu heyn,  wuxuuna tusaale usoo qaatay mashruuca ladagaalanka argagaxisada oo ay saxeexeen in kabadan 50 dal oo caalamka ah, taas oo sababtay in dhibaatadu sii badato oo ay sii fogaadaan dadka Islaamka ah ee dharciga noocan ah loo adeegsaday.
Dhinaca kale dhawaaqa Ken Livingstone, ayaa kusoo beegmay iyadoo doodo dhinaca sharciga ah ay ka tagan yihiin weerarada Marayku ku bar tilmaameedsado dadka u dhashay Maraykanka ee lala xidhiidhiyo Al-qaida, kuwaas oo Diyaaradaha is wada iyo gantaalo lala beegsado iyadoo aan wax denbi ah lagu soo oogin, taas oo sharciyadeeda si weyn dalka Maraykanka doodo uga dhasheen.
Sidoo kale dhawaaqa siyaasiga Britishka ah ayaa kusoo beegmay, iyadoo   tan iyo markii ay dhaceen weerarada Boston ay isa soo tarayeen tuhun Mukhaabaraadka maraykanka ee Hay’addaha aamaanku weerarka wax ka saarayeen dalka Rusia oo ay asal ahaan ka yimaadeen laba wiil ee qaraxa lagu eedeeyay oo mid kood ay Booliska Maraykanku dileen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *