ciraaq saliidaBaqdaad(Araweelo News Network)Xukuumadda Ciraaq ayaa baaq calaal ah kaga dalbatay beesha caalamka in deg deg loo soo gaadho oo looga soo gurmado meel cidla ah oo ay sheegeen

 

xukuumadda Ciraaq in ay beesha caalamku ugu tegeen. kaddib markii ay soo weerareen dablay Sunniyiin ah oo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Weeraradii ugu danbeeyay ayaa ka socda wershed saliida Batroolka safaysa, waxaana jira warar sheegaya in Ciidamada Ciraaq laga saaray halkaa oo ay gacanta ku dhigeen maliishiyaadka Muslimiinta Sunniga ah, kuwaas oo sudhay Calanka Madaw ee Tawxiidku ku qoranyahay.

Afhayeen u hadlay Ra’iisalwasaare Nuri Al-Maliki ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka, Europe iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay caawiyaan si loo badbaadiyo dalka.

Dowladda Ciraaq ayaa baaqa ay ku dalbatay gurmadka, waxay si gooni ah Mareykanka uga codsatay inuu ka caawiyo dhinaca cirka si ay dagaalka iyo weerarka ay ku hayaan kooxda ISIS ugu helaan wax ay isaga caabiyaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo lagu magacaabo General Martin Dempsey, ayaa xaqiijiyay codsigan ay Ciraaq soo gudbisay, balse sarkaalku muu sheegin in Mareykanka uu aqbalay codsiga laga dalbaday iyo in kale, balse Madaxweyne Barack Obama ayaa weli eegaya codsiga oo aan wax jawaab ah ka bixin, wuxuuna ka fakarayaa fursadaha milateri ee u banaan, isagoo la filayo in uu  la kulamo madaxda Congress-ka iyo golaha amniga qaranka.

Hase yeeshee Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka, Jay Carney, ayaa sheegay in aanay haatan jirin ciidan Ameerikaan ah oo la geyn doono dhulka Ciraaq, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan xiligan u qorshaysnayn, balse wuxuu xusay in Maraykanku uu eegayo danihiisa ammaanka qaranka ka hor inta aanu tallaabo qaadin arrinta Ciraaq ee faraha kasii baxay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *