mohamed salahamisomHargeysa(Araweelo News Network)Ergayga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’med Saalax Al-nadiif oo hore u ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Chad, ayaa iska casilay

 

xilkii uu hayay ee wakiilnimada Somalia.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu faafiyay bogga twitter ee AMISOM, kaas oo lagu cadeeyay inuu xilkii iska casilay Maxamed Saalax, waxaana lagu xusay qoraalkaa in Ergeyga Midawga Afrika ee Somalia u mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo shacabka kalsoonida ay siiyeen mudadii uu xilkaa hayay.

Ma jiro war dheeraad ah oo ku saabsan is casilaada iyo sababaha keenay xiligan, balse waxa jira warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed ka dhashay sida loo maamulayo ciidamada AMISOM ee Somalia, kuwaas oo dalalka ciidamadu ka joogaan isku maandhaafsan yihiin.
Hase yeeshee Maxamed Saalax ayaa wareysi uu la yeeshay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ka hor wer-wer  ka muujiyay mustaqbalka Dowladda Federaalka ee Somalia marka la gaadho sanadka 2016, xiligaa oo hore loogu qorsheeyay in nabad lagusoo dabaalo Dalka Somalia ee rabshadaha iyo collaaduhu sida weyn u aafeeyeen.

Mr. Saalax, ayaa sidoo kale waraysigaa uu siiyay idaacadda BBC-da ku sheegay in xarakada A-shabaab ay go’doomin ku sameeyeen magaalooyinka laga qabsaday March 2014, deegaamadaa oo sida uu xusay ay ciidamada AMISOM kala kulmayaan dhibaatooyin dhan walba ah.

Ergayga Ururka Midawga Afrika ee Arrimaha Somalia, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Ciidamada AMISOM culeysyo ayay kala kulmayaan Al –Shabaab,  sababtoo ah waxay shabaabku go’doomiyeen magaalooyinka, taasi oo sababtay in dadkii shacabka ahaa ka barakacaan, magaalooyinkuna ay noqdaan kuwa ciidamada AMISOM oo keliya ku nool yihiin”.

Maxamed Saalax Mar uu ka hadlayay mustaqbalka iyo rajadda Somalia, waxa uu yidhi, “Rejada ah in soomaaliya nabad noqoto 2016-ka oo doorashooyin la qabto aad bay u yartahay,xaqiiqda ayaa ah in ciidan shisheeye aanay Nabad dhalin karin waa in Soomaalidu ciidankeeda dhisataa oo ay ammaankeeda sugataa”ayuu yidhi.
Wakiilka Midawga Afrika ee Somalia, ayaa Is casilaadiisa ku beegay xili ay xaalada Somalia ka dayrinayaan mustaqbalka Somalia oo ay siii kordheen weerarada Al-shabaab, kuwaas oo khatar ku ah ciidamada AMISOM iyo dawlada Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *