Biixi iyo MulinHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Britain ee Adis -Ababa Mr. Chris Allen oo

 

booqasho kedis ah ku yimi Hargeysa maanta.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Britain oo ay ku weheliyeen Madaxweynaha Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa ahaa kulan xaasaasi ah oo lagaga wadahadlay xaalada mandaqada ee xiligan iyo dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Somaliland ee deegaanka Taleex.

Kulankaa oo saxaafada aanay goob joog ka ahayn, ayaa qaatay saacado, waxaana markii uu dhamaaday wadajir saxaafada ula hadlay Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiir ku xigeenka Britain oo ka waramay waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa iyo ujeedada booqashadiisa Hargeysa oo uu sheegay Mr. Chris Allen inuu fariin uga siday Madaxweynaha Somaliland Raysal Wasaaraha Britain.
Halkan Ka Dhegeyso Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi iyo Ku xigeenka Safiirka oo Ka hadlaya waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankaa Riix Hallkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *