Addis Ababa (ANN) xukuumadaha somaliland iyo Itoobiya ayaa ka hadlay xidhiidhkooda siyaasadeed ee waqtigan, iyadoo  Itoobiya xiligan  caddaysay inay sii xoojin doonto xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya si xal waara looga gaadho khilaafaadka iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Sidaana waxa lagu sheegay

Warbixin toddobaadle ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya soo saarto, taas  oo todobaadkasta  lagu baahiyo  wakaaladda wararka ee  Ethopia Walta (Walta Information Center), warbixinta waxa  lagu xusay  in dawladda Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi xooggan oo dhinacyo badan khuseeya. Sidoo kalena waxa warbixintaa lagu xusay in dhinaca kalena Itoobiya xidhiidh iskaashi la wadaagto maamulka Puntland iyo Soomaaliya, kaas oo sida warbixinta lagu sheegay la sii xoojin doono si nabad looga dhaliyo Soomaaliya.
“Inkastoo dhibaatooyin ammaan-darro ka imanayaan kooxaha hubaysan iyo kuwa xagjirka ah ee Soomaaliya, haddana dawladda Itoobiya waxay markasta saaxiib la ahaanaysaa dadweynaha Soomaalida. Runtii waxay soo dhaweysay kumanaan qaxtoonti Soomaaliyeed. Waxa kale oo Itoobiya xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya la leedahay Somaliland iyo maamulka Puntland, wayna sii wadi doontaa xidhiidhkaa si xal waara looga gaadho dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya soo saartay.
Waxa kaloo lagaga hadlay warbixinta xukuumadda Itoobiya soo saartay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay hudheelka Muna oo ay ku dhinteen xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dawladda Sheekh Shariif iyo waliba dad badan oo rayid ah, falalkaas oo Itoobiya ku tilmaantay mid khatar ah oo daruuri ka dhigaya in Midowga Afrika iyo beesha caalamku il gaar ah ku eegaan xaalada waqtigan ee Muqdisho.
Dhinaca kale  Wasiirka arrimaha debeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee  Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi oo la weydiiyay inuu jiro khilaaf labada xukuumadood soo kala dhexgalay waxba kama jiraan ka dhigay wararka iyo sheekooyinka arrimahaa la xidhiidha.
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn. Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen. Waxa jiray  warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay. Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in  xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo.
 
Wasiirka oo  saaka u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, waxa la weydiiyay in arrinta Kaybalka isgaadhsiinta ee badda hoostiisa la marinayo ay ka dambeeyaan dawlado shisheeye waxaanu isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ma jiraan dawlado kale oo ku lug leh arrinta kaybalka isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo ee Somaliland laga hirgalinayo, ganacsigu sidiisaba waa xor Somaliland waxaanay dawladeenu ku dhaqantaa Ganacsiga suuqa xorta ah, oo Ganacsatadu ay suuqa dhexdiisa ku dhex tartanto. Arrintan kaybalka waxa u taallaa ganacsatada iyo dawlada Somaliland.”
Warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya iyo weedhaha wasiirka arrimaha Debeda Somaliland  ayaa ku soo beegantay  xilli  ay jiraan sheekooyin lagu muujinayo  in madmadow yar soo kala dhex galay dawladda Itoobiya iyo xukuumadda cusub ee Somaliland, balse wararkaa oo aanay warbaahinta Ethopia ka hadal ayaa jaraa’iddada kasoo baxa Somaliland qaarkood ishaarayeen inuu jiro guux siyaasadeed oo ku saabsan xidhiidhka labada dal, iyadoo ay wararka iyo sheekooyinku ahaayeen oo keliya kuwo ku kooban qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland oo qaadanayay doorkii ay qaadan lahayd warbaahinta Ethopia haddiiba ay sheekooyinkaa wax ka jiraan, isla markaana rayalcaamka bulshada qaar iyo dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheekooyinka wararkaa ku koobnaa saxaafada Somaliland qaarkeed u arkayay mid boribagaando ah oo aan waxba ka duwanayn sheekooyinkii ay masuuliyiin ka tirsan xukuumadii laga guulaystay hore u geyn jireen dhinaca Ethiopia.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *