Sool(ANN) Xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa Caawa Fiidkii Koox Hubaysani ku dileen Taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool Marxuum Cabdi Ciise Nuur. Kadib markii ay koox dabley aan la aqoonsani weerar ku Qaadeen

guriga uu magaalada laascaanood ka degan yahay taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool, kuwaas oo qudha kaga jaray tacshiirado rasaas ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Marxuun Cabdi Ciise Nuur ayaa Waxa Weerar ku Qaaday Koox hubaysan kadibna  halkaasi ku dilay, kuwaas oo sida wararku sheegayaan dhaawac gaadhsiiyay ilaaladiisa iyo darawalkiisa.
Lama garanayo  sababta Ka danbaysa  Dilka taliyaha  Ciidanka Asluubta ee gobolka  Sool Waxana Mudooyinka gobolkaasi hadheeyey Dilalka Qorshaysan oo Laascaanood ka Noqday tusbax afka laga furay, Waxana Weerardaa inta badan la sheegaa inay  Qaadaan Kooxo Hubaysan oo aan haybtooda la garanay, kuwaas  oo Duubanaya afka Xiliyada ay ku jiraan Weerar Hubaysan.
Dilka Taliyaha ayaa noqonaya kii Lixaad ee loo  fuliyo sidan oo kale, iyadoo saraakiil ka tirsan masuuliyiinta gobolka sidan oo kale dilal qorshaysan loogu fuliyay tan iyo wixii ka danbeeyay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad Col, Yuusuf Nuur oo November 2009 lagu fuliyay qarax kuwa sheeda laga hago ah, kaas oo dilkiisa loo qabtay Taliyihii sirdoonka gobolka ee Maamulkii Rayaale iyo shaqsiyaad kale oo dhowaan maxkamadi ku riday xukun.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *