Kampala (ANN)Meydadka Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Uganda ee AMISOM oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho markii uu madfac hoobiye ah kula dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa maanta laga dejinayay  Magaalada Kampala, halkaasi

oo lagu aasi doono sida uu xalay saxaafadda u sheegay afhayeenka ciidamada dalka Uganda Lt. Col. Felix Kulayigye.

Geerida askartaasi ayaa k a dhigaysa tirada ciidamada Uganda uga geeriyooday howlgalka AMISOM illaa 30 askari, tan iyo markii xoogaga nabad-illaalinta midowga Afrika tageen Muqdisho horaanta sanadkii 2007-dii. Iyadoo Ehelada ay ka geeriyoodaan askarta ku geeriyoota howlgalka AMISOM mag-dhow ahaan loo siiyaay  lacag dhan 50.000$  oo dollar Askari kasta oo ka tirsan ciidamadaa Nabad-illaalinta.

Dhinaca kalena, taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay iney diyaariyeen 10 kun oo ka tirsan ciidamadooda keydka ah oo gaadhaya illaa 100 kun oo askari, wuxuuna taliyahaasi sheegay iney ciidankaasi u diyaariyeen iney u diraan dalka Soomaaliya . balse waxa uu sheegay iney dhowrayaan balan-qaad la xadhiidha dirista ciidamadaasi oo ay ka sugayaan dowladda Mareykanka.

Ms. Joann Lockard oo ah sarkaalad xidhiidha  dadweynaha u qaabilsan safaaradda Mareykanku ay ku leedahay  Magaalada Kampala ayaa saxaafadda u xaqiijisay iney ka war-heyso balanqaad taageero ah oo ay dowladda Mareykanku u sameysay AMISOM, balse aaney aaminsaneyn iney ku jiraan kuwo si gaar ah loo sameeyay.
Si kastaba ha ahaatee talaabada dawlada Uganda ciidamo horleh ugu soo diray Somalia ayaa kusoo beegantay xili ay todobaadkii labaad ka socdaan magaalada muqdisho dagaalo khasaare naf iyo maalba geystay oo u dhexeeya ciidamada Dawlada KMG ah oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo kala soo horjeeda dagaalka, waxaana la filayaa inay ciidamadani xoojiyaan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo Xisbul Islaam magaalada Muqdisho.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *