Hargeysa (ANN) Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay qorshe hordhac ah oo wax lagaga qabanayo cabashooyinka dacwadaha iyo garsoorka maxkamaddaha dalka, garsoorayaasha iyo xabsiyada dalka oo ay maxaabiis intooda badani xukun sugayaal ahi buux dhaafiyeen. 

 

 Wasiirka Caddaaladda Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa soo saaray maanta wareegto xambaarsan go’aamo cusub oo khuseeya maxkamadaha, maxaabiista xabsiyada ku jirta iyo isku bedel lagu sameeyay garsoorayaal.

Qoraalka uu ku saxeexan yahay Wasiirka Cadaaladda Somaliland Muumun Aare ayaa lagu sheegay go’aan kasoo baxay Guddiga Caddaaladda, isla markaana wuxuu nuxur ahaan ka koobnaa saddex qodob oo isugu jira yeedhmo garsoorayaal, beddelaad garsoorayaal  iyo in la fududeeyo xabsiyada dalka oo ay maxaabiistu buux dhaafiyeen. Wuxuuna qoraalka wareegtada ah ee kasoo baxay xafiiska wasiirka cadaaladdu  u qornaa sidan;-
“Wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo cuskanaysa qodobka 106-aad ee dastuurka qaranka faqradiisa 1-aad oo qeexaysa inay wasaaradda cadaaladdu u xil saraan tahay fulinta go’aamada Gudida Cadaaladda.
Sidaa daraadeed, waxaannu halkan ku faafinaynaa go’aanka nambarkiisu yahay MG/GGC/G-3/03/2010 ee 08/08/2010 waana sidan hoos ku qoran:-

1. In dhammaan garsoorayaasha ku-meelgaadhka ku shaqeeyaa ay yimaadaan maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay tahay 20/09/2010.

2. In Garsoore Cabdiraxmaan Cali Maxamed, laga bedelo Maxkamadda Racfaanka Laascaanood, waxaanna loo bedelay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal Boorama.

3. In cabashada xabsiyada ee buuxsamay wareegto lagu soo saaro iyo in la fududeeyo xukunada oo loo badiyo ganaax, wixii sharcigu ogol yahay si ay u yaraato maxabiista xabsiyada buux dhaafinaysaa.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *