images/stories/s20iyo20.jpg Hargeysa (ANN) Madaxweynii  hore ee Somaliland Daahir  Rayaale Kaahin ayaa maanta dalka ka baxay safarkiisii u horeeyay, wixii ka danbeeyay tan iyo  markii lagaga guulaystay  tartankii doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay  26kii June 2010. 

Mr. Rayaale waxa madaarka ku sii sagootiyey tobaneeyo ka mid ah kooxdii  wasiiradda xukuumadiisa, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay ay qaarkood kulamo gaara lahaayeen.
Daahir Rayaale Kaahin oo  maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ayaan la ogayn halka uu safarkiisu ku jihaysan yahay  iyo inuu dib usoo laabanayo, isla markaana waxa jira warar is-khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku socdo Madaxweynaha dhowaan xilka wareejiyay,  iyadoo ay jiraan wararka tibaaxo la xidhiidha safarkiisa  oo sheegaya  inuu ku waajahanyahay dalka Imaaraadka Carabta, halka warar qaarna sheegayaan  inuu socdaalkiisu ku wajahan yahay dalka  Faransiiska oo ay isaga iyo qoyskiisu hore uga dalbadeen deganaansho.
Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu dhinaca dalka Emiratka ku sii hakan doono, halkaas oo ay ku sugan tahay marwadiisa oo iyadu dalka ka dhooftay maalmo yar ka hor intii aanu xil wareejinta samayn Rayaale. 
Mr. Rayaale ayaa hore u sheegay ka hor intii aanu xilka wareejin, balse lagaga guulaystay doorashada inuu joogi doono wadanka oo aanu ka baxayn. Laakiin waxa uu carabka ku dhiftay inuu booqan doono caruurtiisa, iyadoo qoyskiisu sanadii u danbeeyay deganaa dalka faransiiska.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *