images/stories/muuqaalka maxrajka berbera.jpg  Hargeysa (ANN) Wasiirka xanaannada Xoolaha Somaliland Axmed Xaashi Oday oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa sheegay in wasaarad ahaan aanu wax war ah ka hayn maxjar cusub oo laga furayo magaaladda Berbera, hasayeeshee canjalad maqal iyo muuqaal ah oo Jamhuuriya helay oo laga duubay shir 2 Augost 2010 ka dhacay magaaladda Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta,

 ayey shirkadda Abu Yaasir kaga dhawaaqday inay maxjar cusub ka furanayso magaalada Berbera,kaasi oo qorshuhu ahaa in toddobaadkan la furo, balse sida ilo-wareedyo kala duwani noo xajiiyeen dib-u-dhac ku yimi.
Wakiil ka socday shirkadda Abu Yaasir oo magaciisu yahay Eng. Waliid Saciim oo hadlay shirkaasi oo ujeedadiisu ahayd tayeynta caafimaadka xoolaha iyo xanaanayntoodaba, waxa uu caddeeyey in madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xadhigga ka jari doono dhismaha maxjarka cusub ee uu sheegay in shirkadoodu ka furanayso magaalada Berbera.
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu toddobaadka soo socda (toddobaadkan) uu magaalada Berbera ka furi doonaa maxjar xooluhu ka dhoofaan,” ayuu yidhi Eng. Waliid Saciim oo ka hadlayey shir toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Dubai, isaga oo intaa ku daray in u xaqiijiyeen in maxjarka cusubi ku fadhiyo dhul baaxadiisu dhan tahay 25,000 mitir oo laba jibaaran, isla markaana uu ka kooban yahay 49 xero, kuwaasi oo qaadi kara xoolo tiradoodu gaadhayso 60,000 oo neef.
Wasiirka xanaannada xoolaha Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo waxa ka jira sheegashada shirkadda Abu Yaasir ee ah inay maxjar cusub ka furanayso magaalada Berbera, waxa uu sheegay in wasaarad ahaan aanu wax war ah ka hayn maxjarka cusub ee la filayo in laga furo magaalada Berbera.
“Arrintaasi anigu imika ka hadli mayo, mana ogi wax maxjar cusub ah oo la furayo, haddii ay shirkaddu sheegatayna iyada weydiiya,” ayuu wasiirka xannaanada xooluhu ku gaabsaday.

 

 


Dhinaca kale Maalqabeenka u dhashay dalka Yaman ee lagu magacaabo Abu Yaasir oo isagu maamula maxjarka xoolaha ee magaalada Jabuuti, waxa dagaal dhinaca ganacsiga ahi dhexmaray ganacsadaha lagu magcaabo Al-jaabiri oo ay xukuumadii hore ee Somaliland kooto ugu xidhay dhoofinta xoola, taas oo keentay inay si weyn uga cadhoodaan ganacsatada xoolaha dhoofin jirtay, isla markaana Al-jaabiri oo sameeyay balanqaad ahaa inuu samaynayo Maxraj lagu xaneeneeyo xoolaha mudada loo diyaarinayo dhoofinta, kaas oo xukuumadii hore sheegtay inay ku baxayso lacag lagu qiyaasay halMilyan oo dollar ayaa isna beenoobay oo waxba kama jiraan noqday, wuxuuna Al-jaabiri xeradii hore ee xoolaha ku xidhay Jiingado iyo qasabado, taas oo dadka loogu sheegay Maxraj.
Maamulka shirkada Deero ayaa iyagu waqtigaa sameeyay goob ay ku sheegeen Maxrajm, taas oo ay isku Af-dhaafeen wasiirkii xiligaa ee xanaandada xoolaha ee xukuumadii Rayaale Dr. Idiris. Haseyeeshee Maalmo yar ka hor intii aanay xukuumada cusubi la wareegin xilka waxa laga sii daayay Telefishanka qaranka Somaliland ganacsade carbeed oo magaciisa ku sheegay Al-Camuudi , kaas oo sheegay inuu magaalada Berbera ka samaynayo maxraj cusub oo Caafimaadka xoolaha la dhoofinayo lagu baadhayo.
Ganacsadaha carbeed ee Abu-Yaasir oo saldhigiisu ahaa Djibouti ayaan waqtigan u muuqda nin ka faa’idaysanaya isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland, isla markaana xukuumada cusub ee Somaliland ayaan ilaa hada cadayn mawqifkeeda loolanka ganacsiga xoolaha ee ganacsatada iyo dilaaliinta Carbeed.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *