Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa si kulul   u beenisay in firxadkii kooxdii Sh. Atam ee ka dagaalamayay Puntland ay soo galeen xuduudaha Somaliland, sida laga soo xigtay Madaxweynaha iyo Wasiirka Xoolaha ee Puntland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

 
Cabdilaahi Jaamac Cismaan “Geel Jire” oo maanta ka hadlay arrintaa ayaa sheegay inay Somaliland sharci ka tahay la dagaalanka Argagixisada isagoo  yidhi “Somaliland sharci ayay u tahay inay la dagaalanto Argagixisada,ma aha doorasho  iyo in wixii loo maleeyo in gaaladu lacag ku bixinayso, iyadoo aanay dunidaba ka  jirin ayaanu dastuurka ku sii qoranay la dagaalanka Argagixisada.”

Wasiirka oo daba socday hadal ka soo yeedhay  Madaxda Puntland wuxuu yidhi  “Somaliland wax argagixiso ahi ma joogo, manay soo galin, Somaliland way la dagaalamaysaa Argagixisada, waxa la dagaalanka Argagixisadu   uu ku yaallaa Dastuurkayaga. Hadalada aflagaadada ah ee ka soo yeedhayay Puntland, oo aan leeyahay wuu ka khaldamay waanu ka qoyay hadalkii waxba kama jiraan eedaha ay nagu eedeeyeen in ciidamo Somaliland ahi ay ka barbar dagaalamayeen kooxdii Argagixisada ahayd ee uu Hoggaamiyo Atam.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland ay kaalin ku leeyihiin dagaalada Argagixisada waxaanu yidhi “Anagu Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku  taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.”

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Somaliland Mr. Geel jire waxa kale oo uu ka hadlay falkii shalay ka dhacay xaafada Xidigta ee Magaalada Hargeysa oo nin uu Bambo ku tuuray baabuur uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna  sheegay in  dadkii ku dhaawacmay qaraxaa haatan lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee Hargeysa, sidoo kale  waxa  uu sheegay  Geel Jire in maanta ninkii dirawalka ahaa laga soo saaray filidhadii bambadii gaadhigiisii gubtay ee lagu soo tuuray. Falkan ayaa waxa ku dhaawacmay tobaneeye qof oo ahaa dad ku sugnaa goobtii falkaasi ka dhacay shalay galab.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *