Hargeysa(ANN) Adeega Zaad ee lagu kala iibsado wax iyo Isgaadhsiinta telefoonada mobile-ka ee Telesom ayaa hawada ka maqnaa saacdo. Kadib markii ay gebi ahaanba shaqayn waayeen maanta qadar dhawr saacadood ah. Arintaa ayaa keentay inay

dad badan oo doonayay inay wax ku ibsadaan ay u suurta geliweyday. kadina ay ka cadhoodaan, iyadoo kusoo beegantay  xiliga ay dadku huteelada cuntooyinka ka qadaynayaan iyo xiliga suuqa qaadku ugu saxamad badan yahay.
“Aniga Illaahay ayaa I asturay oo waxan ku beegmay markii aan soo rawaxay huteel aan garanayo oo aan ka qadeeyay. Kadibna markii aan I idhi lagacgtii Zaad ka sii ayaan arkay inay ciladi jirto, isagoo leh ‘toban daqiiqo sug’. Nasiib wanaag Ninkii Huteelka haystay ayaa igu yidhi ma shaqaynayo zaad ee markuu hagaago ii soo dir. Sidaa yaan kusoo baxay.” Sidaa waxa yidhi  Cismaan ilkacase oo mid ka mid ah dadka isticmaala adeega Zaad ee ciladu la kulantay.
Dad badan ayaa muran iyo buuq dhexmaray. Kadib markii uu gebi ahaanba shaqayn waayay adeega Zaad ee uu xanibmay ee ay suurta geliwayday inay wixii ay doonayeen ku iibsadaan adeega, ama ay ku bixiyaan lacagta Zaad, waxyaabihii ay qaateen waqtigaa. “Anigu waxan faaruqiyay laba maalmood ka hor oo waxba iiguma jiraan maanta Zaad, balse waxa keliya ee aan dareemay Telefanka Mobile-ka oo khadka ka baxay.
  Sidoo kale waxa laga dareemay dhamaan suuqyada wax lagu kala iibsado, iyadoo si gaara loo dareemay adeega Zaad oo ay dad badani ku iibsadaan, taas oo si weyn  dadka uga cadhaysiisay. Kadib markii ay cilada ku timi Adeega Zaad iyo isgaadhsiinta Telefoonada ee telesom kusoo beegmeen xiliga qadada ee ay dadku inta badan kasoo rawaxaan shaqada oo ku beegnayd qiyaastii kowdii duhurnimo ilaa sadexdii galabnimo oo ay soo noqdeen adeegyada isgaadhsiinta iyo telefoonadu. Maamulka shirkada telefoonada iyo Adeega Zaad ee telesom ayaan wax jawaab ah iyo raali gelin toona ka  bixin  arrintaa.
Si kastaba ha haatee maaha markii ugu horaysay ee telefoonada hawada ka baxaan, ama ay ciladi ku timaado, balse adeega Zaad  cusub ee wax lagu kala iibsado ee Zaad ayaa noqonaya  markii ugu horaysay lagu arkay cilada noocan ah oo mudo saacado ah uu xanibnaa, taas oo si weyn u shaki gelisay dadka isticmaala inay ku kalsoonaadaan, isla markaana waxa suurta gal ah inay ciladani dhaawac u geysato kalsoonida dad badni ku qabeen isticmaalka adeega Zaad.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *