Hargeysa(ANN)Kulan baladhan oo lagaga hadlayay sidii qorshe iyo siyaasad cad ay Somaliland uga yeelan lahayd kumanaan qof oo qoxooti aan la aqoonsanayn ku ah gudaha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Kulankaa

 oo ahaa kii ugu  cuslaa ee noociisa ah ee  lagaga wada hadlayo sidii loo samaysan lahaa siyaasad  lagula dhaqmayo  dadka qaxoontiga ah  ee dalka soo galaya waxa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd
waxaana  ka qayb galay  guddoomiyayaasha golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa caasimadda Hargaysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimmaha bulshada iyo wakiillo ka socday Hay´adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.
Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa lagaga wada xaajooday ama lagu gorfeeyay sidii loo samayn lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo gala. Marka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee soo  qaban qaabisay, waxa iyana gacan ka geystay qabanqaabada kulankaa  hay´adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xaqoontiga ee UNHCR.
Sidoo kale  waxa kulankaa kasoo qayb galay  kale Hay´addaha ay wada shaqaynta leeyihiin  hay´adda UNHCR,   ee iyaguna ku hawlan daryeelka iyo wax u qabashada dadka qaxoontiga ah ee dalka ku soo barakacay, iyadoo kulankaa  dhinaca kale lagu casuumay  sharciyaqaano iyo  Aqoonayahano khibrad u leh arrimahaa qoxootiga
Kulankan ayaa la filayaa muddada uu socdo in laga soo saaro siyaasad  iyo qodobo dhaxal gal ah oo salka ku haya qaabka loola dhaqmi lahaa dadka qaxoontiga ah eek u sugan Somaliland iyo sidii go;aamada kasoo baxaa  ay u noqon lahaayeen  kuwo  meel mar ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay shirkaa  ayaa sheegay in loo baahan yahay in siyaasad cad laga yeesho dadka Qaxoontiga ee dalka ku soo badanaya,  wuxuuna  tilmaamay in loo sameynayo qorshe siyaasadeed oo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dadka qoxootiga ah ee buuxdhaafiyay magaalooyinka Somaliland.

Dadka Qaxoontiga ah eek u sugan Somaliland ayaan si cad loo ogayn tiradooda rasmiga ah iyo meelaha ay ka kala yimaadeen, kuwaas oo sanadii u danbeeyay tiradoodu soo kordhaysay, isla markaana dadkaa oo qaarkood ka yimaadeen Koonfurta iyo gobolada kale ee Somalia oo dagaalo ka socdaan ayaanay ilaa hada aqoonasanayn qoxootinimadooda Ha’yada qaramad midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR, iyadoo ay jiraan dad kale tiradoodu maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhayso oo si weyn looga dhex arko suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Magaalada caasimada ee Hargeysa, kuwaas oo ka yimadaa dhinaca dalka Ethiopia, isla markaana kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Ethopia.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *