Hargeysa(ANN)Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay waxqabadkeedii boqolkii cisho ee u horreeyay mudadii ay xilka  haysay, taas oo ku ekayd maalintii shalay.Xafladii

lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumada oo lagu qabtay Huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Xubna Golaha Wasiirradda, Guurtida, shirgudoonka Golaha Wakiilada, Hoggaanka xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE, Marwada koowaad, xubno ka socday xisbiyada mucaaridka ah iyo dadweyne kala duwan oo lagu soo marti qaaday barnaamijkan.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda xisbiyada ee ay ku soo marti qaadeen xafladan. “Boqolkii cisho ee ugu horeeyay mudadii xukuumadan cusubi xilka haysay wixii aanu balan qaadnay 80-illaa 90% kiiba way fulleen. Waxa kow ka ahaa waxqabadkayaga waxaanu soo dhisnay xukuumad tiro yar oo ah tii ugu tirada yarayd ee dalka soo marta. Waana xukuumaddii ugu badnayd ee ay ka muuqdaan Haweenka iyo dhalinyaraddu. Xukuumadani waxay ka koobnayd 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku Xigeen, waxa ku jiray sadex Haween ah,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Saylici.
“Nabadgelyadu si meel fiican ayay maraysaa dadweynaha iyo Ciidammadduna way is kaashanayaan, qiimayn ka dib waxa adduunku nabadgelyada Somaliland u dalacsiiyeen darajada sadexaad halkii markii hore aynu ku qiimaysnayn darajada afraad. Arrintani waxay inoo keentay sharaf iyo qadarin la inooga hayo beesha caalamka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku waxaanu sheegay inay bixiyeen mushaharooyinkii is gaadhay ee shaqaalaha dawlada waxaanu yidhi “Waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada oo muddo afar bilood ah lahaa, waxaanu kordhinay dakhiligii dalka waxaanan kor u qaadnay 25%, waxaanu abuurnay Ha’yadii la dagaalanka Musuqmaasuqa iyadoo la dhawrayo hantida qaranka waxaanay Ha’yadaasi xilkooda u gudan doonaan si madax banana. Waxaanu kordhinay kabkii dhaqaale ee dawladu siin jirtay xisbiyada qaranka si aanu u kobcino dimuqraadiyada.”
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inay Somaliland yimaadeen illaa Todoba Wefti oo heer caalami ah, taasi oo uu tilmaamay inay waxweyni iska bedelay aragtidii beesha caalamka ee ku wajahnayd Somaliland waxaanu xusay in dawlada Denmark ay go’aansatay inay toos gargaarka ula macaamisho xukuumadan cusub.
“Waxa Madaxweynuhu sidaad la socotaan uu u baxay socdaalkii dibadeed ee ugu horreeyay oo uu ku tagay wadanka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, halkaasi oo loogu soo dhaweeyay meeqaamkii iyo sidii ugu saraysay, waxa kale oo hadda u qorshaysan in Madaxweynuhu u baxo dalka kale ee aynu dariska nahay ee Itoobiya,”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay inta badan waxyaabihii u qorshaysnaa inay qabtaan boqolka cisho ee u horreeya ay fuleen isla markaana ay jiraan waxyaabo badan oo aan hore u sii qorshaysnayn oo dalka laga hirgaliyay oo waxqabad ah.
Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo waxyaabihii ay dawlada cusubi qabatay mudadii ay xilka haysay, waxase uu sheegay in looga baahan yahay inay fuliso dhammaan waxyaabihii ay ummadda u balan qaaday ee ku jiray barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE kaga qeyb galay olalihii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay oo xisbigaasi cod aqlabiyad ah kaga guulaystay xisbigii UDUB ee Madaxweynihii tallada dalka wareejiyay ee Daahir Rayaale.
munaasibada xafladaa ayaa laga akhriyay qoraal buug xukuumaddu ka diyaarisay dhammaan waxqabadkii Boqolka cisho ee ugu horeeya, iyadoo  loo kala saaray wasaarad- wasaarad.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *