Hargeysa(ANN) Qarax dhaawac badan geystay ayaa  goor dhowayd ka dhacay Xaafada Guryasamo ee Magaalada Hargeysa. kadib markii  uu Nin qarax ka sameeyay halkaa. Sidaana waxa shabakada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay qaar ka mid ah dadka xaafada oo goota joogay. Ninkaa

 ayaa sida ay dadka goota joogay noo sheegeen  tuuray banbo gamceed. Kadibna cararay. Qaraxaa ayaa sababay dhaawac ilaa 11 qof kuwaas oo dhaawacyo fududi soo gaadheen, marka laga reebo Nin magaciisu yahay  Cali Cayngal oo dhaawac culusi soo gaadhay.
Ciidanka Bilayska ayaa goor danbe tegey, kuwaas oo ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan Ninkaa. Hase yeeshee Ninka la qabtay ayay dadka xaafadu u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews inuu ahaa Nin dhinaca Maskaxda wax uga dhiman yihiin oo dhowaan laga soo daayay mid ka mid ah Cilaajyada  lagu xanaaneeyo  dadka. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya inuu Ninkaa la qabtay shalay Aabihii dhaawac u geystay, balse waxay Ciidanku Bilaysku usoo qaadeen saldhiga Bilayska. Iyadoo dadkii dhaawaca ahaana loola cararay Cusbitaalka.
Wixii kasoo kodha kala soco shebekada araweelonews

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *