Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay khasaaraha soo gaadhay Ganacsatada reer Somaliland. Kadib markii  Markab u raraa uu ku degay shalay duleedka Salaala ee xeebta dalka Cummaan. Markabkaa  oo usoo jeeday Dekedda Magaalada Berbera,

wuxuu kasoo shiraacday dhinaca dalka Emaraatka ee Magaalada Dubai, halkaas  oo laga soo  saaraay 1900(kun iyo sagaal boqol) oo Tan, iyadoo uu siday badeecado malaayiin dollar ah, kuwaas  oo isugu jiray 187 gaadiid ah, Bagaash iyo Badeecado kale oo kala  duwan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa u dhignaa sidan:- “Anigoo ku hadlaya magaca Wasaarada Maalliyadda, waxaan aad iyo aad uga xumahay khasaaraha soo gaadhay ganacsatadayada baddeecadii uu kala degay markabkii magaciisu ahaa M/V,Paramatta ee laga soo raray Dubai kuna degay xeebta dalka Cummaan.
Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu cawil naq ka siiyo Ganacsatadaasi khasaarahaas soo gaadhay maalkoodii.”
ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee kasoo baxay xukuumadda Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *