Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr, Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa beeniyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka odayaasha oo xukuumada cusub ku dhaliilay ilaalinta nabadgelyada dalka oo ay sheegeen inay xaalad amni xumo soo wajahday

gobolada Somaliland qaarkood.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay mar  uu shalay  hortagay fadhigii Golaha Guurtida.  ka dib markii Goluhu ka dalbaday inuu uga waramo xaalada nabadgelyo ee dalka, iyadoo uu ku weheliyay kulanka golaha Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Col, Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal).
Kulanka Wasiirka  Arrimaha guduhu ku hor tegey golaha waxa  Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana  hadal dheer ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr, Maxamed Cabdi Gaboose oo  sheegay in xaalada nabad gelyo ee dalku ay wanaagsan tahay,  isla markaana ciidamada ammaanku ku filan yihiin kana adag yihiin adkaynta nabadgelyada. Wasiirku wuxuu ka hadlayay falkii ay dhawaan Maleeshiyadii ONLF kaga soo degeen xeebta galbeedka Somaliland iyo waxyaabihii xukuumadan cusubi mudadii ay la wareegtay dalka ka dhacay, waxaanu tilmaamay in falalkaasi dhacay dartood la odhan karin dalka waxa ka jira amni xumo.
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in nabadgelyada Somaliland ay wanaagsan tahay ciidamada ammaankuna dedaal ugu jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo, waxaanu ku dooday in qaramada midoobay kor u qaaday heerka nabadgelyada Somaliland oo markii hore ahayd heerka afraad, xiligan ay noqotay heerka sadexaad waxaanu carabaabay inay taasi ku timi xaalada amni ee dalka, balse uu aad uga xunayahay inay mudanayaal golaha dhexdiisa ka yidhaahdaan nabadgelyo ma jirto, isagoo yidhi,  “Waxa aan aad uga xumahay in iyadda oo qaramada midoobay inaga qaaday darajadii afraad oo ay inagu soo celisay darajii saddexaad ee heerka nabadgalyadda haddana golaha guurtida nabadgalyo ma jirto laga dhex yidhaahdo, macnaheedu waa maxay, taa macneheedu waa darajadii afraad nagu celiya oo ha noo imanin.”
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay inay jiraan tabashooyin ay qabaan waxgaradka Gobolka Awdal, balse  cabashadaasna uu u gudbiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in xafiisyadii Ha’yadaha qaramada midoobay ee ka hawl gala Somaliland ay ku laahaayeen Nairobi ay   u soo rarayaan dhawaan Hargeysa.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in deeqbixiyeyaasha ay la shaqeynayaan xukuumadan oo ay mucaawiyooyinka u siin doonaan si toos ah oo aanay cid kale u soo marin doonin.
Sidoo kale  waxa ka hadlay fadhigaa golaha guurtida  Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble furre, wuxuuna sheegay in ciidanka Bilaysku  ay xilka ka saaran ilaalinta ammaanka ka soo baxayaan, isagoo xusay in aanay jirin wakhti amniga dalku maanta ka fiican yahay. Sidaa awgeed  ay ku dadaaleen inay sugaan amniga intii itaalkooda ah.

Taliye Kabaal waxa uu sheegay in wixii ka danbeeyay mudadii uu la wareegay hogaaminta ciidamada Bilayska  ay dalka ka dhaceen 26-dil, kuwaas oo  21 ka mid ah ay qabteen dadkii gaystay, halka 5, shan kiis dilal ah  ay  ku daba joogaan ciidanka Bilaysku oo ay dhawaan soo qaban doonaan,  Haddii illaahay idmo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *