Hargeysa(ANN)Agaasimihii Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Alla haw naxariistee Marxuux C/risaaq Maxamed Dubad oo ka mid ahaa suxufiyiinta ugu magaca dheer Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa. Kadib

markii uu xalay, 23 Oct 2010, ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Marxuum C/risaaq waxa haleelay laba maalmood ka hor xanuun kaga soo booday Wadanaha (Heart attack), kaas oo uu ugu danbayntii u geeriyooday, waxaana maanta lagu aasay xabaalaha Boqol-jire ee dhinaca Galbeed ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay aaska marxuumka ka qayb galeen Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxamaan Seylici, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan golayaasha Baarlamaanka, Salaadiin, Odayaal, Ganacsato, Culimo,  Suxufiyiinta Somaliland  iyo dadweyne kale    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay inuu dhambaal tacsi ah u dirayo Marxuum- C/Risaaq Maxamed Dubad, oo uu ku tilmaamay geesi dalkiisa ku saxayay qalinkiisa, oo edaab iyo anshaxba lahaa, waxaanu yidhi “Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii, bahda saxaafafadda iyo shacbiga Somaliland oo aan uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum C/Risaaq Maxamed Dubad, oo ahaa suxufi dhaqan wanaagsan oo dalkiisa ku saxayay qalinkiisa, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo , ehelkii iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.”
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) ayaa isaguna dhambaal tacsi ah u diray qoyska Agaasihii waaxda Warfaafinta waxaanu ku sifeeyay shakhsi wanaagsan oo muxtarim ahaa “Wuxuu ahaa shakhsi wanaagsan oo muxtarim ahaa waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskiisii, saaxiibadii,Wasaarada warfaafinta oo ku wayday walaal wanaagsan waxaanan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh ayaa isaguna sheegay inuu ka naxay geerida marxuum C/Risaaq Maxamed Dubad, oo uu xusay inuu ahaa saaxiib wanaagsan oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer. Waxaanu ka waramay shakhsiyadii marxuumka waxaanu yidhi “Waxaanu ka soo wada shaqaynay Wargeyska Jamhuuriya oo aan muddo madax ugu ahaa, haddana wuxuu ka mid noqday aasaaseyaashii Wargeryska Haatuf, ka dibna Idaacada Radio Horyaal oo uu ahaa madaxdii Idaacadaasi. Wuxuu ahaa nin hawl kar ah oo wax curin leh wuxuu ahaa nin shaqada aad ugu wanaagsan.”
Agaasimuhu wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisii iyo saxaafada Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxa kale, waxa halkaasi ka hadlay oo dhambaallo tacsi ah u diray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Afhayeenka Xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Codyare, Xildhibaano iyo Suxufiyiinta waaweyn ee dalka oo ka waramay taariikhdii iyo shakhsiyadii wanaagsanayd ee C/risaaq Dubad, oo ahaa nin dhaqan wanaagsan, deeqsi ah isla markaana dhalinyarada Saxaafaddu ay qadarin jireen.
abbi Naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii dhidibada u taagay Saxaafadda Somaliland, isla-markaana la soo jaanqaaday maraaxilkii kala duwanaa iyo waayihii ay soo martay Saxaafadda dalku. Marxuum Cabdirisaaq waxa ka mid ahaa Hay’adihii Warbaahineed ee uu ka soo shaqeeyey ama wax ka aasaasay Wargeyskii Aragtida Togdheer oo ka soo bixi jiray Burco 1993-kii., kaasi oo lagu daabici jiray Teeb, iyada oo aan wakhtigaas Somaliland laga adeegsan jirin Computer-ka. Marxuumku waxa kale oo uu ka mid ahaa shaqaalihii Wargeyska Codka Hargeysa oo isaguna Sagaashamaadkii ka soo bixi jiray magaalada Hargeysa, waxa uu ka mid ahaa Suxufiyiintii soo saari jiray Wargeyska ugu faca wayn Somaliland ee Jamhuuriya oo uu ku biiray 1997-kii markaas oo uu ka soo wareegay Magaalada Burco, haddana waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii Wargeyska Haatuf. Isaga oo aad loogu yaqaannay qoraalladii uu ku soo saari jiray shabakadda wararka Internet-ka ee www.Somaliland.Org. sidoo kale, Marxuum Cabdirisaaq waxa uu Tifaftire ka ahaa Wargeyska Saxansaxo oo uu wax ka aasaasay horraantii 2007-dii. Waxa uu ka soo shaqeeyay Wargeysyadii la odhan jiray Xorriyo, Himilo iyo kuwo kale oo badan. Waxa uu muddo lix sano ku dhaw Agaasime ka ahaa Idaacaddii Horyaal.
Xasan Siciid Yuusuf oo ahaa Tifaftirihii ugu muddada dheeraa ee Wargeyska Jamhuuriya oo ay Marxuumka ka soo wada shaqeeyeen muddo dheer ayey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews Xalay wax ka weydiisay Taariikhda, aqoonta gaarka ah ee ay isku lahaayeen iyo waxa uu ka yaqaanno shaqsiyaddii Marxuum Cabdirisaaq, waxaanu Xasan Siciid ku jawaabay oo uu yidhi; “Allah ha u naxariisto Cabdirisaaq Dubbad, Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad, waxa uu ku dhashay Degmada Caynabo, da’diisu waxay ahayd 36-jir, Xaas iyo Afar carruur ah ayuu Ifka kaga tagay. Waxa uu Saxaafada Somaliland ka soo bilaabay Sagaashamaadka horaantiisiii, Wargeys la odhan jiray Aragtida Togdheer ayuu Burco ka soo saari jiray, Aniga oo ah Xasan Siciid Yuusuf, waxaannu isbarannay 1997-kii, oo uu kasoo wareegay Burco, waxa uu ku soo wareegay Wargeyska Jamhuuriya oo uu Weriye ka noqday, waxa uu ahaa nin yar oo firfircoon, aqoon leh, karti badan leh, da’diisa iyo aqoonta uu lahaa ayaa aad u kala waynaa, nin dulqaad leh, talo soo jeedin leh, dad isku wad leh oo aad u wanaagsan ayuu ahaa.”
“Marxuum Cabdirisaaq wuxuu Wargeyska Jamhuuriya ka shaqaynayey 1997-2003, muddo dheerna waxa uu la shaqaynayay Wargeyska The Republican ee Luuqadda Ingiriisiga ku soo baxa oo uu illaa hadda la shaqaynayay, isaga iyo rag kale ayaa haddana ka mid noqday aasaasayashii Wargeyska Haatuf.” Ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray; “Marxuumku News Editor (Tifaftiraha Wararka) ayuu ka noqday markii dambe Jamhuuriya, Barnaamijyadiisii waxa ka mid ahaa isa-seegseegga Giraanta, oo arrimaha bulshada ka sheekeeya, kaasi oo uu Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal joojiyay.”
Sidoo kale, Tifaftirihii hore ee Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo hadda ku sugan magaalada Oslo ee waddanka Norway oo ka mid ah dadkii ay soo wada shaqeeyeen Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad, isla markaana ka mid ahaa Ragga ay isku-dhadhawaayeen, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Rukummada Saxaafadda Somaliland. Waxaanu geeridaa ka tacsiyadeeyey guud ahaanba Bahda Saxaafadda Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay. Muuse Jaambiir oo nagula soo xidhiidhnay khadka telefoonka si uu uga warramo xidhiidhkii aqooneed ee ay isu lahaayeen Marxuumka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Wargeyska Jamhuuriya waannu ka soo wada shaqaynay muddo dheer, Haatuf oo bilawgiisii Anigu aan Ttifaftire ka ahaana Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Suxufiyiintii ugu firfircoonaa, shaqadiisa nin ku wanaagsan buu ahaa, midhkiisa nin ku adag buu ahaa waxa uu aamminsan yahay, qof hal-adayg leh buu ahaa, dad la socod buu lahaa, waxaanu ahaa nin ummadda dhaqda, Illaahay ha u naxariisto, qaraabadii, ehelkii, guud ahaanba Bahda Saxaafadda iyo Asxaabtii, waan u tacsiyadaynayaa.”
Bahda Wargeysyada Somaliland ka soo baxa iyo Shabakaduhuba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Bahda Saxaafada Somaliland iyo qoyskii, eheladii uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdirisaaq Maxamed Dubad oo xalay abaaro 9:00-kii oo ay taariikhdu ahayd 22/10/2010 ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu aasay maanta Xabaalaha Boqol-jire. Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo. Aamiin Aamiin
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *